Ciyaarihii Todobaadka Somalida oo ka Furmay Magaalada Toronto iyo kooxo badan oo ka qayb-galaya (Sawirro)
Sabti, July, 08, 2017 (HOL) –Waxaan maanta si rasmi ah uga bilowday Magaalada Toronto ee dalka Canada ciyaarihii todobaadka Somalida ee Somali Weak,waxaana ka soo qayb-galay kooxo ka kala yimid Mareykanka, Kanada iyo magaalada London ee dalka Britain. Ururka TODAY oo ah urur ka dhisan magaaladan Toronto ayaa marti-galiyey cayaarahaan oo socondoona ilaa muddo todobaad ah.
Kooxahan koobkan la dhigay ku tartamaya oo gaarayay 13 kooxood ayaa la isugu aadiyay Group group ,waxaana ay isku arkayaan sidatan.Group A:Gala Kanada, Ottawa, Minnesota Tigers iyoXiddigahaGroup B:FC Hilaac, Hamilton, Minimimo StarsGroup C:
Banadir FC, Mogadishu FC iyo North London
Group D
Seef FC, Dixon FC iyo Hilton FC
Maanta waxaa ciyaaray Gala Kanada iyo Xiddigaha waxaana ay ku dhamaatay 0:0,
Hilaac FC 3:2 Hamilton , Banaadir iyo Moqdisho 1:1
Waxaa maalinta Bari ah cayaari doona Seef FC Vs Dixon, Minnesota Tigers Vs Ottawa, Midnimo Stars Vs Hilaac FC.
Waxaa sannadkii hore ee 2016-ka ku guuleystay koobkan kooxda Banaadir FC oo ka dhisan magaalada Toronto oo ay ku nool-yihiin Somali badan.
Ugu danbayn, waxaa sidoo kale magaaladan Toronto ka socda cayaaro kale oo ay soo qaban qaabiyeen ururka SOSCA Canada, kuwaas oo soo bilowday 28-dii bishii Juun ee la soo dhaafay. Cayaarahaas ayaa gabagabo ah.
Faysal M. Hassan
Boston@hiiraan.com