.jpg)
Sabti, Feberaayo 06, 2016 (HOL) — Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Maxamed Cumar Carte ayaa maanta kormeeray Xarunta Wasaaradda Batroolka Xukuumada Somalia, taasoo dib u habeyn lagu sameeyay dhawaan.
Carte ayaa kormeeray dhismaha wasaaradda oo ka kooban saddex dabaq, loona qalabeeyay qaab casri ah, wuxuuna ammaan u jeediyay shaqaalaha wasaaradda oo xil weyn iska saaray buu yiri hir-gelinta dhismahan cusub.
.jpg)
“Horumarka ka muuqda Wasaarada waxay ku tusaysaa wax-qabadka xukuumada muddadii yarayd ee ay jirtay iyo Talaabooyinka Horumar ee ay ku Tallaabsatay,” ayuu yidhi Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta.
Ugu dambeyn, kormeerkan ayaa wuxuu ka mid yahay la xisaabtanka & dhiiri-galinta Wax-qabadka Xukuumadda, Wuxuuna RW ku xigeenku xusay inay mar walba Xukuumadda FS garab-taagan tahay shaqooyinka iyo horumarka guud ee Waddanka ka socda.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya