Sabti, Feberaayo 06, 2016 (HOL) — Wakiilka Midowga Afrika ee Arrimaha Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Jose Madeira ayaa khamiistii booqashadiisii ugu horreysay ku tagay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, isagoo la kulmay Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe].
Wafdiga uu horkacayay Danjire Madeira ayaa waxaa ka mid ahaa; xubno ka socda Beesha Caalamka oo ay ka mid ahaayeen; ergayga xafiiska QM ee dalka Somalia, Michael Keating iyo Safiirrada Somalia u fadhiya Sweden iyo Taliyaaniga iyo sidoo kale Wufuud ka socday Ururrrada Midowga Yurub iyo IGAD.
Kulan ay xubnahan iyo madaxda Jubbaland kula qaateen Kismaayo ayay arrimo dhowr ah kaga hadleen, iyadoo Ergayga Midowga Afrika uu ku Ammaanay maamulka iyo shacabka Jubbaland inay aqbaleen Hannaanka 4.5-ka ah, hannaankaasoo uu sheegay in uu muhiim u yahay nabadda, deggenaashaha, midnimada iyo horumarka Soomaaliya.
“Nabadda Somalia waa Nabadgalyada Bariga Afrika iyo Caalamka oo dhan. Qorshayaasha Midowag Afirka ee Nabadda Qaaradda Afrika Khatar ayay Galaysaa Haddii aysan Somalia ka jirin Nabad. Taasoo ah sababta Midowga Afrika ay uga dalbadeen dalalka gobolka inay Ciidammo Booliis iyo Millateri AMISOM ah ugu diraan Somalia,” ayuu Danjire Madeira ku yiri hadal uu kulanka ka jeediyay.
Sidoo kale, ergayga ayaa intaas ku daray in Ciidamada AMISOM ay sii joogayaan Somalia illaa laga xaqiijinayo Ammaanka iyo deggenaashaha Somalia, inta taas la suuro-gelinayana aysan ka bixi doonin.
Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo isna Kulanka ka hadlay ayaa uga Mahad-celiyay AMISOM iyo Waddamada ku deeqay inay Somalia caawiyaan Naf iyo Maal ayna askartoodu dhintaan iyagoo ka shaqeynaya nabadda guud ee dalka, gaar ahaan Ciidamadii Kenya ee bishii hore lagu laayay saldhigooda Ceel-cadde, weerarkaasoo ay sheegatay Al-shabaab.
Axmed Madoobe ayaa dhanka kale xusay in eedeymaha sheegaya in shacab ay Waxyeello kasoo gaartay duqeymo ay Kenya ka geystay gobolka Gedo ay ka mid yihiin dacaayado ay faafinayaan dad leh ujeeddooyin siyaasadeed.
“Ciidanka Kenya dhibaato badan ayay kala kulmeen Ceel-cadde, waxaanan u dirayaa tacsi qoysaskooda. Waxaana halkan ka sheegayaa inaysan waxba ka jirin dacaayadaha bulshada lagu dhex-faafiyay ee ah in Ciidamada AMISOM ay geysteen Xasuuq. Taasi waa been aan sal iyo raad lahayn. Waana dacaayad ay faafinayaan dadka ujeeddooyin siyaasadeed leh oo ku sugan deegaanno ka baxsan Jubbaland,” ayuu hadalkiisa ku daray Axmed Madoobe.
Ugu dambeyn, Booqashada Danjire Francisco Madeira uu ku Tagay Kismaayo ayaa waxay noqonaysa tii ugu horreysay oo uu ku tago tan iyo markii uu xilka si rasmi ah ula wareegay 04-tii bishii December ee Sannadkii hore 2015-ka. Waxay kaloo kusoo beegmaysaa iyadoo dhawaan ay Madaxda Somalia go’aan ka gaareen nooca ay noqonayso doorashada dalka ka dhacaysa sanadkan lagu jiro.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)