Xukuumadda FS oo Shaacisay Maanta in Marko ay gacanta ugu jirto ciidanka DFS iyo AMISOM
Sabti, Feberaayo 06, 2016 (HOL) — Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini iyo wasiirka warfaafinta, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa maanta si wadajir ah Warbaahinta uga Warbixiyay Hawl-gallo Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ay ka Wadaan Gobolka Shabeellada Hoose, Gaar ahaan Magaalada Marko iyo Deegaannada hoos-yimaada.
Jen. Diini ayaa sheegay in ciidamada dawladda Somalia iyo kuwa AMISOM ay ku hayaan gacanta degmada Marka, isagoo xusay in amniga magaaladana uu yahay mid la isku haleyn karo. Isagoo ugu baaqay shacabka Dagan gobolka Shabellaha Hoose inay ciidanka Amniga la shaqeeyaan.
“Ciidamadeenna iyo AMISOM ayaa gacanta ku haya Degmada Marka, xaaladuna aad ayay u degge tahay,” ayuu yiri wasiir Diini oo raaciyay. “Waxaan dagaal kula jirnaa Al-shabaab, waana ka guulaysan doonnaa.”
Wasiirka ayaa intaa ku daray. “Bulshada ku nool Degmada Marko waxaa laga doonayaa in ay khilaafka dhex-dooda ah ku dhammeeyaan Nabad iyo is af-garad, si cadowga ummadda Soomaaliyeed uga faa’iideysan khilaafkooda.”
Ugu dambeyn, Wasiirka Warfaafinta Somalia Maxamed Cabdi Xayir ayaa isna ugu baaqay Warbaahinta inaysan ka badbadin Wararka la xiriira Xagga Amniga, wuxuuna shacabka ku nool gobolka Shabeelaha Hoose ka codsaday in Hay’adaha Amniga la shaqeeyaan, si looga hortago dhagarta ay gaysanayaan argagixisadu.
Si kastaba ha ahaatee, hadalka wasiirradan xukuumadda Somalia ka tirsan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maanta ay ciidanka dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM oo dhan ah iyo Al-shabaab ay kala qabsadeen magaalada Marko, iyadoo la sheegay inay degmadaas gacanta ku hayaan xilligan xoogag ka tirsan Al-shabaab.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya