Natiijadii Xukuumadda Somalia ay kasoo saartay Baaristii Qaraxii Diyaaraddii DAALLO Airlines


Sabti, Feberaayo 06, 2016 (HOL) — Baaritaanno lagu sameeyey diyaaradii Daallo Airlines ee nooceedu ahaa AIR-BUS 321 - Flight Nambarkeeduna ahaa - 3159, kuna Socotay Dalka Jabuuti, ayna saarnaayeen 74-qof oo rakaab ah iyo Toddoba ruux oo shaqaale ah ayaa 20-daqiiqo oo ay hawada ku jirtay kaddib si deg-deg ah dib ugu soo laabatay Garoonka Aden Adde, kaddib markii uu ka dhex-dhacay Qarax.

Kaddib baaritaan dheeraad ah ay sameeyeen khubaro Somali iyo kuwo Caalami ah, Waxay Xaqiijinayaan in Qaraxii ka Dhex-dhacay Diyaaraddii DAALLO Airlines uusan ahayn mid ka dhashay cilad-farsamo, balse uu ahaa mid la doonayay in lagu waxyeelleeyo diyaaradda iyo rakaabkii saarnaa.

Ciidamada Ammaanka waxay gacanta ku dhigeen Dadkii lagu Tuhunsanaa inay Qaraxii ka dhacay gudaha diyaaraddaasi Daallo Airlines ku lug lahaayeen. Laakiinse natiijadan ay soo Xukuumaddu Somalia soo saartay laguma sheegin tirada dadka loo Qab-qabtay Qaraxaan.

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Somalia waxay la socodsiinaysaa shacabka ka dhoofa iyo kuwa kasoo dega garoonka Aadan Cadde in lagu soo kordhin doono tallaabooyin cusub oo lagu Adkeynayo Amaanka garoonka, waxaana laga codsanayaa shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan Hay’adaha Ammaanka ee u heelan Sugidda Amnigooda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]  
Muqdisho, Soomaaliya