Ururka Midowga Afrika oo Maanta ku Baaqay in la Diyaariyo Ciidammo la Geeyo Dalka Burundi


Axad, Oktoobar 18, 2015 (HOL) — Golaha ammaanka iyo nabadgalyada ururka Midowga Afrika ayaa sabtida maanta ah ku taliyay in la diyaariyo ciidammo loo diro dalka Burundi, haddii ay sii xoogeystaan rabshadaha ka jira, iyagoo sidoo kale ku baaqeen in baaritaanno lagu sameeyo xadgudubyada ka dhacay dalkaas.

Sidoo kale, golaha ayaa sheegay in cunno-qabteyn ay kusoo rogi doonaan cid walba oo loo arko inay xiisadaha siyaasadeed ee dalka Burundi ka taagan kasii darayso.

Burundi ayaa tan iyo bishii Abriil ee sannadkan waxaa ka jiray rabshado, kaddib markii uu madaxweynaha Burundi, Pierre Nkurunziza ku baaqa inuu u tartamayo markii saddexaad xilka madaxweynenimo ee dalkiisa, taasoo xisbiyada mucaaradka ah ay si aad ah uga soo horjeestee.

“Golaha ammaanka iyo nabadgalyada Midowga Afrika, waxay codsanayaan in la dadajiyo diyaarinta ciidan loo diro dalka Burundi… si looga hortago inay sii xumaadaan xiisadaha ka taagan dalka Burundi,” ayaa lagu yiri warbixinta golaha ammaanka ee Midowga Afrika.

Waxaa kaloo qoraalka lagu yiri. “Golaha Ammaanka iyo Nabadgalyada Midowga Afrika waxay cunno-qabteyn dhinaca safarka iyo hantida ah ay kusoo rogayaan cid walba oo loo arko inay xiisadda Burundi ka taagan hurinayso.”

Dhanka kale, golaha ayaa ugu baaqay guddiga arrimaha xuquuqda aadanaha ee Midowga Afrika inay baaritaano ku sameeyaan xadgudubyadii ka dhacay Burundi. Iyagoo kulammo kula qaadanaya Burundi ama Itoobiya dhammaan dhinacyada ku lugta leh xiisadaha dalka Burundi ka taagan.

Rabshadihii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka Burundi ayaa waxaa lagu dilay, Charlotte Umugwaneza oo ahayd xisaabiyihii xisbiga MSD ee mucaaradka ah, waxaana maydkeeda laga helay agagaarka webi ka baxsan magaalada Burunbura.

Ninkii ay u dhacday haweeneydaan oo lagu magacaabo, Déo Ndikumana ayaa u sheegay warbaahinta Jimcihii in xaaskiisa ay afduubeen kooxo aan la garanayn, dabadeedna ay ku dileen rasaas iyo tooreey. Iyadoo booliisku aysan ka hadlin dilka haweeneydan.

Ugu dambeyn, Ndikumana ayaa sheegay in xaaskiisa ay u carartay waddanka ay dariska yihiin ee Rwanda kaddib markii loogu hanjabay in la dilayo; maadaama ay ka tirsan tahay xisbi mucaarad ah oo kasoo horjeeda Nkurunziza, balse dib ugu soo laabtay Burundi laba bilood ka hor.

“Shaki kuma jiro in dilkeeda uu ahaa mid ku saleysan siyaasad,” ayuu mar kale ku daray hadalkiisa Déo Ndikumana; iyadoo horay dalkaas loogu dilay xubno ka tirsanaa xisbiyada mucaaradka ah ee kasoo horjeeda xukuumadda Burundi.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya