Axad, Oktoobar 18, 2015 (HOL) — Banaanabax lagu taageerayay horumarka iyo guulaha ciidamada maamul-goboleedka Galmudug ka gaareen dagaalkii ay uga saareen dhawaan Al-shabaab deegaanka Camaara, loogana soo horjeedo Al-shabaab ayaa maanta ka dhacay degmada Cadaado ee gobolka Galguduud.
Qaban-qaabada dibadbaxan ayaa waxaa gacan kageysatay hay’adda CCD oo fadhigeedu yahay Muqdisho, iyadoo dibadbaxa ay ka qaybgalay mas’uuliyiinta maamulka Galmudug, oo ay ku jireen wasiirro, xildhibaanno, taliyaha guutada 21-aad ee ciidamada xoogga dalka, taliyaha booliska Cadaado, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Cadaado, waxgaradka degmada, urrurada haweenka, midka dhallinyarada iyo dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid lixda xaafadood ee degmada Cadaado ay ka kooban tahay.
Shacabka mudaaharaadka dhigayay oo watay boorar ay ku qornaayeen hal-ku-dhigyo kala duwan oo ka dhan ah ururka Al-shabaab ayaa socdaal dheer kusoo maray qaybo ka mid ah waddooyinka waaweyn ee degmada Cadaado kuwaasoo isugu soo ururay xarunta degmada Cadaado.
Guddoomiye ku xigeenka maamulka degmada Cadaado Nuur Yarow Xeyle oo ugu horreyn la hadlay dadweynaha isku soo baxay ayaa wuxuu ka warbixiyay ujeeddada dibad-baxa iyo sababta keentay.
“Ujeedka aan isugu nimid halkan waa inaan dibadbaxaan nabadeed ku ciidamadeenna oo aan nabadda-diidka uga hortagayno, ma doonayno nabadiid, madoonayno nabad la’aan, waxaan taageeraynaa Galmudug, cid kasta ee rabta bulshadaan inay lugaha ku dhagto oo horay iyo gadaal u diiddo oo horumarkeeda diidaan, mana jirto cid aan ka yeelanayno inay horumarkeenna carqaladeyso,” ayuu yiri Nuur Yarow.
Taliyaha qaybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka, Col. Cabdullaahi Aadan Cisman oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in guulaha ay gaareen ay ku gaareen taageerada shacabka Soomaaliyeed.
“Waxaan u hambalyeyneynaa ciidamada Galmudug iyo kuwa xoogga dalka ee ka howlgala Galmudug guulaha ay ka gaareen cadowga, inagoo hambalyeynaynaa guulaha ay gaareen; sidoo kale waxaana kalsoonidaas ka heleen shacabkooda idin kana waa idinkaga mahad-celinaynaa,” ayuu yiri Col. C/llaahi Aadana Cirro.
Xildhibaanad Maryan Cali Abtidoon oo ka mid ah xildhibannada baarlamaanka Galmudug oo hadal kooban ka jeedisay dibad-baxa ayaa waxay ciidamada ugu hambalyeysay guulaha ay ka gaareen Al-shabaab.
“Waxaan rabaa halkan inaan ka taageero dagaalkii ka dhacay deegaanka Camaara guushii ay ka gaareen ciidankeenna, waxaan leeyahay jira oo jooga, cadow kastana waxan diyaar u nahay haween iyo ragba inaan iska-difaacno,” ayay tiri xlidhibaanada Maryan Abtidoon.
Wasiir-u-dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug Cumar Guureeye oo isna dibad-baxayaasha la hadlay ayaa ballan-qaaday inay la wareegi doonaan deegannada fara-ku-tiriska ah ee ay wali ku sugan yihiin haraadiga Al-shabaab.
“Sida runta ah ciidamada Galmudug waxay soo hoyeen guul taariikhi ah kaddib markii degmooyin iyo magaalooyin ka tirsan maamulka Galmudug oo horay aan ugu sugnayn kooxahaas ay kusoo xad-gudbeen oo ay kusoo duuleen sida kartida iyo qiimaha leh oo ay uga sifeeyeen dibna ay ugu soo celiyeen gacanta dowladda Somalia,” ayuu yiri Cumar Guureeye.
Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha maamulka Galmudug, Warsame Maxamed Xasan “Warsame Joodax”oo isna dibadbaxa ka hadlay ayaa yiri. “Waxaan kula talinaynaa Al-shabab inay dhibaatada ka daayaan shacabka, waayo ummaddu horumar iyo nolol ayay doonayaan, dhibkii aad horay ugu hayseen loo dulqaadan mayo, waana midda maamul iyo mas’uuliyad loo dhisay.”
Ugu dambeyn, dibadbaxii ka dhacay Cadaado ayaa wuxuu ka dambeeyay kaddib markii dhawaan ciidanka dowladda Somalia iyo kuwa Galmudug ay dib ula wareegeen deegaanka Camaara waxana dibad-baxan taageerada ah uu qayb ka yahay dhiirri-gelinta ciidamada hawlgallada ay ku baacsanayaan Al-shabaab.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya