Mas’uul ka tirsanaa Shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo maanta lagu dilay Muqdisho


Axad, Oktoobar 18, 2015 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa toogasho ku dilay mid ka mid ah shaqaalaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho oo lagu magacaabi jiray, Ciis Beyle, iyadoo dilkiisa ay fuliyeen kooxo ku hubeysan bastoolado.

Mas’uulkan ayaa la toogtay isagoo kusii jeeda shaqadiisa, iyadoo kooxaha dilka geystay ay markiiba goobta ka baxsadeen, sida ay sheegeen qaar ka mid ah dad goobjoogayaal ah oo ku sugnaa halkii lagu dilay.

Dilka oo ka dhacay xaafadda Nasteexo ee degmada Wadajir ayaa goobjoogayaal ku sugnaa waxay sheegeen inay Ciise Beyle toogteen saddex wiil oo dhallinyaro ah oo ku hubeysan bastoolado.

“Waxaa dilka mas’uulkan oo lagu magacaabi jiray Ciise Beyle geystay dabley ku hubeysan bastoolado, kuwaasoo markiiba baxsaday,” ayuu yiri goob-jooge warbaahinta la hadlay oo ku sugnaa xaafadda uu dilku ka dhacay.

Horraantii bishan ayay ahayd markii degmada Wadajir lagu dilay labo ruux oo mid ka mid ah la sheegay inuu adeer u ahaa madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh, kaasoo la sheegay in uu ahaa dhakhtarka gaarka ah ee madaxweynaha, iyadoo Al-shabaab ay sheegtay inay ka dambeysay dilkooda.

Ugu dambeyn, degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa dhawaanahan ahayd halka ugu badan ee lagu dilo mas’uuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo sannadkan lagu dilay degmadaas dhowr mas’uul oo ka tirsan dowladda Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya