Talaado, Maarso 25, 2014 (HOL) —Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa booqday fariisimaha ciidamada ammaanka Puntland ay ku leeyihiin buuraleyda Gal-gala oo dhinaca koonfur-galbeed magaalada Boosaaso kaga beegan.Saraakiisha ciidamada ammaanka qaar kamid ah ayaa Madaxweynaha la socdey markii uu jiidda hore tegey, wuxuuna ciidamada kala hadlay arrimo badan isagoo u ballan qaaday inay xuquuqdooda heli doonaan kulana dardaarmay inay xil weyn iska saaraan sidii ay ammaanka dalka iyo dadkaba u sugi lahaayeen.
Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geerida taliyihii hore ee ciidamada Daraawiishta ee ku sugan aagga Gal-gala, wuxuuna Ilaah uga baryey in uu naxariistiisa janno ka waraabiyo isaga iyo dhammaan askartii kale ee deegaankaas ku geeriyoodey.
HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:
Safarka Madaxweyne Gaas ayaa kasoo bilowday magaalada Garoowe oo ah xarunta maamulka Puntland, wuxuuna booqday degmooyin ay kamid yihiin: Qardho, Carmo, Rako iyo Boosaaso.
Dhammaan bulshada magaalooyinkaas ku dhaqan ayuu Madaxweynuhu kulammo gooni gooni ah la qaatay wuxuuna kala hadlay arrimo badan, isagoo sheegay in xukuumaddiisu ay ka dhabeyn doonto ballan qaadyadii ay horay bulshada ugu samaysay.
Muddadii ay Madaxweyne Gaas iyo wafdigiisu magaalada Boosaaso ku sugnaayeen wuxuu sidoo kale kormeer ku tegey goobo muhiim ah oo ay kamid yihiin dekedda, garoonka diyaaradaha iyo qaar kamid ah xarumaha wasaaradaha.
Booqashadan ayaa ah tii ugu horreysey ee Madaxweynaha Puntland ee uu ku tago qaar kamid ah deegaanada Puntland tan iyo markii xafiiska loo dhaariyey.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya











