Mudaaraadyo lagu diiddan yahay Shariif Xasan oo Weli ka socda Baydhabo

Talaado, Maarso 25, 2014 (HOL) — Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxaa maalintii saddexaad ka socda bannaanbaxyo lagu diiddan yahay xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Banaanbaxyadan ayaa waxaa soo abaabulay maamulka Koonfur-galbeed Somalia oo looga dhawaaqay dhawaan Baydhabo, kaasoo uu madaxweynahana u yahay Madoobe Nuunow Maxamed.
Sidoo kale, goobahii ganacsiga, iskuulladii iyo jaamacadihii ayaa maalintii sadexaad xiran, iyadoo dibadbaxyadii maanta dhacay lagu dhaawacay wiil ku labisnaa calanka maamulka lixda gobol ka kooban, iyadoo ay dhaawacday rasaas ay soo rideen qaar ka mid ah taageerayaasha Shariif Xasan.
Dhaawaca wiilkan ayaa la geeyay isbitaalka Baydhabo halkaasoo lagu daweynayo. Odayaal iyo waxgarad ayaa billaabay dadaal ay ku dhex-dhexaadinayaan labada dhinac ee iska-soo-horjeeda.
Wararka ayaa sheegaya in Baydhabo ay soo gaareen laba diyaaradood oo Muqdisho ka yimid, kuwaasoo uu soo diray sida la sheegay guddoomiyaha baarlamaanka si looga qaado Baydhabo xildhibaanno uu ku jiro Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Dhanka kale, waxaa magaalada Baydhabo ka socda is-urursiga malleeshiyo kala kala taageersan labada maamul ee uu muranku u dhexeeyo, iyadoo shacabka ay walwal xooggan ka muujinayaan sida ay xaaladdu isku bedeli karto.
Hiiraan Online, Baydhabo