Kay oo Walaac ka Muujiyay Xiisadaha u dhexeysa Puntland iyo Somaliland


Talaado, Maarso 25, 2014 (HOL) — Ergayga Qaramada Midoobay ee arrrimaha Somalia, danjire Nicholas Kay oo ka hadlayay shir Addis-Ababa uga socda golaha ammaanka iyo nabadgalyada ururka Midowga Afrika ayaa ayaa daboolka ka rogay in xafiiskiisu uu ka walaacsan yahay xiisadda u dhexeysa maamullada Soomaaliland iyo Puntland ee ku saabsan maamulidda gobolada Sool iyo Sanaag.

Dajire Nicholas Kay ayaa hoosta ka xariiqay inuu walwal badan ka qabo dagaal ka dhex-dhaca labada maamul goboleed, wuxuuna intaa ku daray inuu ugu baaqayo madaxda Somaliland iyo Puntland inay xaaladda wadahadal ku dhameeyaan.

“Dhanka gobollada Waqooyi ee Somalia waxaan aad uga walaacsanahay xiisadaha ciidan ee ka dhex-taagan Somaliland iyo Puntland ee ku saabsan cidda maamulaysa gobollada Sool iyo Sanaag. Waxaan ugu baaqayaa madaxda labada maamul inay ku dhameeyaan xaaladda si deggen oo wadahadalku ugu horreeyo,” ayuu yiri Danjire Kay.

Sidoo kale, war kasoo baxay xafiiska danjira Kay ee Muqdisho aya lagu sheegay in madaxda Somaliland iyo Puntland loogu baaqay inay qaataan tillaabooyin kasta oo looga baaqsan karo dagaal.

Xiisadda Somaliland iyo Puntland ayaa soo billaabay markii madaxweyne Siilaanyo oo maamulka Somaliland uu booqday degmooyin ay mamulkiisa ku haysto Puntland waxaana hadda inta badan deegaannadaas laga dareemayaa xiisad ciidan oo labada maamul u dhaxaysa.

Maamulka Somaliland ayaa Puntland ka qabsaday intii ay jirtay maamulkii uu hor-kacyay Faroole deegaanno ay ku jirto degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo ay labada maamul si aad ah ugu murmeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya