Talaado, Maarso 25, 2014 (HOL) — Qubuuraha Baar-caleen oo ku yaalla duleedka galbeed ee magaalada Kismaayo ayaa maanta lagu aasay AUN Meydka Ugaas Maxamad Xusen Hafoow, kaasoo shalay gelinkii danbe ay kooxo hubeeysan ku toogteen afaafka hore ee Masjid uu kusoo tukaday salaadda Casar.
Aaskii Ugaaska ayaa waxa kazoo qeybgalay dadweeyne aad u fara badan oo ay ka mid ahaayeen Salaadiin, nabadoonno, masuuliyiin ka tirsan maamulka iyo waxgarad kale. Nabadoon Xasan Sheekh Ibraahim oo la socday Ugaaska xilligii la dilayay ayaa sheegay in laba nin oo hubeeysan ay ugaaska ku toogteen afaafka hore ee Masjidka, isagoo u tacsiyeeyay ehellada iyo qaraabada uu ka tagay ugaaska.
Nabaddoonka ayaa sheegay in Ugaasku uu yahay nin taariikh ku leh gayiga Soomaaliyeed islamarkaana caan ku ahaa arimaha dib u heshiisiinta iyo ka shaqeynta nabadda, wuxuuna Alle uga rajeeyay inuu siiyo naxariistiisa.
Afhayeenka maamulka Jubba C/naasir Seeraar oo goobta ka hadlay ayaa u tacsiyeeyay ehellada uu ka tagay ugaaska, isagoo sheegay in hadda wixii ka danbeeyo ay ilaalin doonaan ammaanka salaadiinta.
HALKAN KA DAAWO SAWIRRADA AASKA:
Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Mudane Max'ed Warsame Faarax (Darwiish) oo isna hadal jeediyay ayaa sheegay in dhacdadani ay tahay mid la doonayo in lagu xasuuqayo indheergaradka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay shacabka in ay kala shaqeeyaan sidii gacanta loogu dhigi lahaa dadka fuliya falalka caynkan oo kale ah, isagoo intaa ku daray in ay gacanta ku hayaan labadii nin ee fulisay weerarka, kuwaasoo uu xusay in dhawaan ay sharciga marsiin doonaan.
Ugu danbeyn, waxaa aaska ka hadlay madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubba, Jen. C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), waxa uuna ugu horeyn u tacsiyeeyay ehellada iyo qaraabada uu ka tagay ugaaska, isagoo sheegay in uu aad uga naxay geerida ku timid Ugaaska oo uu sheegay in uu mudo dheer ka shaqeynayay nabadda iyo xasiloonida deegaanada Jubooyinka.
Mas’uulkan ayaa dilkan ku eedeeyay xoogagga Al-shabaab, isagoo ugu baaqay shacabka ku dhaqan Jubooyinka in ay gacan ku siiyaan dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya