Diyaarad ay leeyihiin Milateriga Kenya oo ku dhacday gobolka Jubbada Hoose


Khamiis, December 04, 2014 (HOL) — Milateriga dalka Kenya iyo Xarakada Al-shabaab ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay diyaarad ay leeyihiin milateri oo ku dhacday maanta agagarka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Afhayeen u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in diyaarada milateriga Kenya ay ku dhufteen gantaal, ayna burburtay; iyadoo weli aysan dowladda Kenya beenin hadalkaas kasoo baxay Al-shabaab.

“Innaga ayaa gantaal ku dhufannay diyaaradda; wayna burburtay. Waxay maanta duqeysay deegaanka Buulo-guduud,” ayuu yiri Sh. C/casiis Abuu-Muscab oo u hadlay Al-shabaab, isagoo intaas raaciyay inay u isticmaaleen diyaaradda gantaallada gaadiidka cirka lagu soo rido.

Sidoo kale, afhayeenka milateriga Kenya Col. David Obonyo oo isaguna qaar ka mid ah warbaahinta Kenya la hadlay ayaa sheegay in diyaaraddu ay cilad dhinaca farsamada ah u dhacday, kaddib markii ay kasoo laabatay sida uu u sheegay warbaahinta deegaan ku dhow degmada Jamaame oo ka tirsan isla Jubbada Hoose.

"Diyaaraddu waxay kasoo laabatay magaalada Jamaame oo uu howl-gal ka socdo, cillad la soo dairstay ayayna ugu dhacday duleedka degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose," ayaa afhayeenka milateriga Kenya, Col. Obonyo ku sheegay qoraal uu soo saaray.

Afhayeenku ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sababta burburkeeda iyo ciddii ku dhimatay, balse wararka ayaa sheegay in duuliyihii diyaaradda uu ku shilkaas ku geeriyooday.

Kenya ayaa ciidamadeeda u soo dirtay gudaha Soomaaliya sannadkii 2011-kii, si ay ula dagaalamaan Al-shabaab, inkastoo ay sannadkii 2012-kii ka mid noqdeen Midowga Afrika ee AMISOM oo ka howlgala Soomaaliya.

Ciidamada Kenya waxay ka howlgalaan gobollada Jubbooyinka ee Koonfurta Soomaaliya, iyadoo ciidamadeedan AMISOM iyo kuwa maamulka KMG ah ee Jubba ay dhawaan Al-shabaab kala wareegeen deegaanka Buulo-guduud oo 30-km dhanka Waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya