
Khamiis, December 04, 2014 (HOL) — Shir socday laba maalmood kaasoo looga hadlay caafimaadka Soomaaliya ayaa lagu qabtay magaalada Umeå ee dalka Sweden, shirkan oo ay soo qabanqaabisay Jaamacadda Umeå oo kaashanaaya ururka Somali-Swedish Research Association (SSRA).
Kulankan ayaa waxaa ka qayb-galay qaar ka mid ah jaamacadaha Somalia oo ay matalaayeen madaxda kuliyadda caafimaadka iyo hormuudyada. waxaa kaloo goob-joog ka ahaa madax iyo macalimiin ka socota qaar ka mid ah jaamacadaha ugu muhiimsan dalka Sweden; iyadoo xubihii kulankaas ka qaybgalay ay tiradoodu gaaraysay 54 ruux.
Shirka ayaa waxaa furtay Dr. Maryan Qaasim wasiirkii horumarinta adeegga bulshada, caafimaadka iyo waxbarashad Soomaaliya soo noqotay. Waxaana goobjoog ka ahaa madaxa hay’adda kaalmada Sweden (SIDA) u qaabilsan Soomaaliya, isla markaana ah qunsulka Sweden, Mr. Urban Sjöström.
Prof. Stig Wall oo ka mid ah madaxda jaamacadda Umeå ayaa ballanqaaday inay qayb-weyn ka ciyaari doonto horumarinta howlaha caafimaadka dalka Soomaaliya.
Ujeeddada kulanka ayaa ahayd sidii loo billaabi lahaa iskaashi dhex-mara jaamacadaha Sweden iyo kuwa Soomaaliya, iyadoo la hiigsanaayo in dib loo aasaaso barnaamijkii iskaashiga Sweden iyo Soomaaliya ee sannadihii 1981-1991, markaasoo dhakhaatiir badan oo Soomaaliyeed ay aqoon-kororsi u imaan jireen Sweden.
Waxaa kulanka joogay qaar badan oo ka mid dhakhaatiirtaas wax ku bartay barnaamijkii SAREC ee dowladda Sweden. Waxaa goobta yimid oo ka hadlay qaar ka mid ay macallimiintii berigaas wax bari jiray dhakhaatiirta Somalia, kuwaasoo hadda howl-gab wada noqday; waxay muujiyeen sida aadka ah ee ay u taageersan yihiin in dib loosoo celiyo barnaamijkaas aqooneed ee Soomaaliya iyo Sweden.
Mr Urban Sjöström ayaa ballan-qaaday in dhaqaale ahaan uu taageeri doono dib u soo noolaashaha is-kaashigaaas ku aaddan dhinaca cilmi-baarista ee jaamacadaha Sweden iyo Soomaaliya. Isgoo goobta shirka ka sheegay in dowladda Sweden ay hadda go’aansatay inay dib u dhisi doonto dhismihii wasaaradda caaafimaadka Soomaaliya ee Muqdisho.
Diyaarinta kulanka waxaa qayb weyn ka qaatay, Prof. Khaliif Bile oo horey u ahaa hormuudkii kulliyadda caafimaadka ee Jaamacadda Ummadda. Prof. Bile wuxuu ka mid yahay madaxda ururka SSAR.
Intii uu socday shirka labada casho ah waxay jaamacadaha Soomaaliya soo bandhigeen barnaamijyada waxbarashada caafimaadka ee jaamacadahooda. Dr. Maryan Qaasin waxay ammaantay doorka ay jaamacadahaas ka qaateen arrimaha caafimaadka, waxayna rajo-weyn ka muujisay in dalka Soomaaliya uu ku socdo isbedel wanaagsan oo dhinaca horumarka caaafimaadka, iyadoo weliba rajadu soo noqoneyso.
Madaxda Jaamacadaha Puntland State University iyo jaamacadda Gaalkacyo, Prof. Maxamed Xuseen Iskoon iyo Prof. Cabduqaadir M. Shirwac oo ah laba jaamacadood oo ku wada yaalla magaalada Gaalkacyo ayaa goobta shirka ka caddeeyeen inaysan marnaba saameyn doonin maamullada ay ka kala tirsan yihiin jaamacadahooda ee Puntland iyo Galmudug, ayna ka go’an tahay inay u wada-shaqeeyaan si wadajir ah oo ay ku dheehan tahay walaalnimo iyo Soomaalinimo leh.
Gunaannadkii waxaa laga shirka war-murtiyeed ku aadan sidii loo horumarin lahaa dib loogu billaabi lahaa iskaashiga waxbarasho iyo cilmi-baaris ee Somalia iyo Sweden, iyadoo la kaashanaayo ururka Somali REN iyo SSRA, isla markaana door muhiim ah ay qaadan doonto hay’adda SIDA ee dalka Sweden.
Waxaa kaloo la isla gartay in jaamacadda Umeå ay noqoto barta kulanka howshaas. Waxaa shirka soo xirtay, Dr. Maryan Qaasim iyo guddoomiyaha guud ee jaamacadda Umeå, Prof. Lena Gustafsson.
C/llaahi Cilmi Maxamed (Asad)
[email protected]
Stockholm, Sweden