Dabley Muqdisho ku dhaawacday Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka Somalia

Khamiis, December 04, 2014 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir ku dhaawacay xildhibaan Mayow Mustaf oo ka mid ah mudanayaasha golaha baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo saddex ruux oo la socotayna lagu dilay weerarka.

Gudoomiyaha degmada Xamar-weyne, C/qaadir Maxamed ayaa u sheegay warbaahinta in xildhibaanka iyo ruux kale oo weerarka ku dhaawacmay ay u qaadeen isbitaalada ku yaalla magaalada Muqdisho.

“Markii ay rasaasta dhacday waa kusoo baxnay, afar ruux oo mid xildhibaan uu ahaa ayaa waxaa weeraray dabley gaari wadatay, waxaa xildhibaanka iyo ruux kale oo dhaawac ahaa goobta ka qaaday ciidamada dowladda,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Xamar-weyne.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in weerarku uu ku dhintay xildhibaan hore oo lagu magacaabi jiray, Liibaan C/llaahi Nuur, kaasoo ka mid ahaa xubnihii hore ee baarlamaankii KMG ahaa ee Soomaaliya.

Labada ruux ee kale ee ku geeriyootay weerarka ayaa la sheegay inay ka mid ahaayeen ilaalada xildhibaanka, waxaana tani ay qayb ka tahay dilal dhowr jeer ay kooxo hubeysan oo gaadiid wata ka geysteen Muqdisho.

Dableyda dilka  geystay ayaa baxsaday, iyadoo goobta ay soo gaareen qaar ka mid ah ciidamada dowladda Soomaaliya, mana jirto cid sheegatay inay ka dambeysay weerarka lagu dilay saddexda qof, xildhibaankan dhaawaca loogu geystay.

Sannadkan ayaa waxaa sidan oo kale weerarro noocan ah loogu dilay dhowr xildhibaan oo ay ka mid ahaayeen, Maxamed Maxamuud Xayd iyo Saado Cali Warsame oo labaduba ka tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya