Shariif Xasan oo ka hadlay khilaafka u dhexeeya Madaxda dalka (DHAGEYSO)


Khamiis, December 04, 2014 (HOL) — Madaxweynaha maamulka KMG Koonfur-galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sh. Aadan oo shalay loo caleemo-saaray xilka ayaa ka hadlay khilaafka u dhexeeya madaxda dalka, isagoo sidoo kale sheegay inuu rajo ka qabo in dalka ay doorasho ka dhacdo sannadka 2016-ka.

Shariif Xasan ayaa sheegay inuu dadaal badan u galay sidii khilaafkaas looga heshiis lahaa, balse aan lagu guuleysan illaa hadda, balse wuxuu rajo weyn ka muujiyay in xal laga gaari doono khilaafka.

“Aniga dadaal badan ayaan u galay sidii khilaafka madaxda dalka u dhexeeya loo xallin lahaa, dadaallo kalena waa jireen, balse laguma guuleysan, lagama quusan waana weli oo rajo ayaan ka qabnaa in lagu guuleysto. Marka Maadaama dalka madax u yihiin waxaan ugu baaqayaa inay dalka iyo dadka u naxaan oo ay iyagu wada-hadlaan kana heshiiyaan kala aragti-duwaanashaha. Haddii taasi dhici wayso waxaa loo sameeyay in lagu xalliyo baarlamaanka, sidoo kalena waxaan ka codsanayaa xildhibaannada inay si nabad ah xal uga gaaraan,” ayuu yiri Shariif Xasan oo u warramayay telefishinka Al-Xurra.

DHAGEYSO: Shariif Xasan oo ka hadlaya Khilaafka Madaxda

Mar la weydiiyay Shariif Xasan su’aal ahayd rajada uu ka qabo in sannadka 2016-ka dalka ay doorasho ka dhacdo, ayuu ku jawaabay inuu rajeynayo inay ka dhici doonto doorasho, haddii qof iyo codkiis la gaari waayana wax ka duwan sidii hore in la sameeyo ayaan soo jeedinayaa. Waayo haddii ay doorasho dhici waydo waxaa laga yaabaa inay dhibaatooyin dhacaan, marka waa in la qabto ayuu yiri doorasho laga fikiray.

Waxaa la weydiiyay Shariif Xasan Sh. Aadan su’aal ahayd inay u qorsheysan tahay inuu dalka madaxweyne ama ra’iisul wasaare ka noqdo, isagoo si aad u kooban u yiri. “Hadda xil ayaa la ii doortay, balse xilliyada soo socda waan ka fekeri doonaa wixii aan sameyn lahaa.”

Dhanka kale, Shariif Xasan oo wareysi siiyay BBC-da ayaa xusay in howsha ugu horreysa ee uu qabanayo ay ka mid yihiin sidii uu gole wasaaradeed oo wax ka qabata xaaladaha ka jira gobollada uu maamulku ka talinayo.

Su’aal ahayd sida ay doorashadiisa ku dhacday ayuu kaga jawaabay inuu muddo badan soo waday inuu madaxweyne noqdo, dadaalkiisana uu ku guuleystay, wuxuuna hadalkiisa ku daray inuu sii wadi doono dadaalkaas.

“Anigu maba diidi lahayn haddii la helayo lix gobol oo maamul mideysan loo dhisi karo… waana qirsanahay inay dadkani dagaan lix gobol, balse waxaanu doonaynaa inaan maamulka ka qaybgelinno, nabadda iyo horumarkana laga wada shaqeeyo,” ayuu kaga jawaabay Shariif Xasan sida uu maamulkii lixda gobol ka koobnaa oo taageerayaashiisu ay u arkaan inuu ku hor-booday.

Madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed oo la doortay 17-kii bishii hore ayaa shalay xaflad caleemo-saar ah loogu qabtay Baydhabo, iyadoo ay ka qaybgaleen xubno ka socda maamullada dalka, dowladda Somalia iyo kuwo ka socday beesha caalamka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya