Jimco, Abriil 04, 2014 (HOL) — Taliyaha ciidanka booliiska gobolka Hiiraan ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay dhalinyarro looga shakiyay Al-shabaab oo su'aalo lagu weydiinayay xarunta nabad-sugida magaalada Beledweyne.
Col. Isaaq Cali C/dulle ayaa sheegay in dhalinyarradan oo tiradoodu dhan tahay 22 -ruux oo mid ka mid ah tahay qof dumar ah laga dajiyay gaari ay ku safrayeen, isagoo sheegay inuu jiro tuhun la xiriira inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.
''Baaritaan ayaa hadda ku socda, waxaa lagu hayaa xarunta hay'adda nabad-sugida, haddii wax danbi ah lagu waayo waa la sii deynayaa, haddii shakiga laga qabo uu ka cadaado maxkamad ayaa la soo taagayaa,'' ayuu yiri taliyaha.
Dhalinyarrada oo qaarkood su'aalo la weydiiyay ayaa sheegay in aysan ka tirsaneyn Al-shabaab, laakiin yihiin dad shaqo doon ah oo u safrayay deegaannada Puntland iyo Soomaaliland.
Tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay bilaawdeen howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda bartamaha Soomaaliya waxaa jiray tuhun la xiriira in Al-shabaab u baxsanayaan deegaannada Puntland iyo Somaliland, kuwasoo ku safraya gadiidka dadweynaha.
Ma'aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale ciidamada nabad-galyada gobolka gacanta ku dhigaan dad looga shakiyay in ay ka tirsan yihiin, kuwaa oo qaarkood wali ku jira xabsiga, kadib markii lagu hellay danbi ah in ay xiriir la lahaayeen xarrakada Al-shabaab.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya