
Jimco, Abriil 04, 2014 (HOL) — Shalay oo Khamiis ahayd ayaa maxkamad magaalada Nairobi ku taalla waxaa la horkeenay Sheekh Xasan Xuseen Aadan iyo xaaskiisa oo ay dhawaan ay gurigooda kala baxeen ciidamada amniga Kenya.
Sheekha ayaa lala xiray xaaskiisa oo lagu magacaabo Fardowsa Maxamed Cabdi, waxaana lagu soo eedeeyay inay ku lug lahaayeen weeraro argagixiisnimo oo ka dhacay magaalada Nairobi, inkastoo ay eedeyntaas iska fogeeyeen.
Dacwad-oogaha maxkamada ayaa sheegay in booliiska ay ku heleen Sheekha labo bam oo nooca gacanta laga tuuro ah, isla markaana uu halis ku yahay amniga guud ee dalka Kenya.
Qareenka u doodayay wadaadkan iyo xaaskiisa ayaa beeniyey in wax bambaano ah ay haysteen, sidoo kalena aysan haysan aaladaha qarxa, taasna ay tahay mid been abuur ah oo la doonayo in dambi loogu yeelo wadaadka iyo xaaskiisa.
Sheekh Xasan oo loo yaqaan Xassaan ayaa ka mid ah culummada taageersan Al-shabaabta ka dagaalanta Soomaaliya, isagoo dhowr jeer jeediyay muxaadarooyin uu ku taageerayo dagaallada ay Al-shabaab kawadaan gudaha Soomaaliya.
Maxkamadda ayaa diiday in damiin lagu sii daayo Sheekha iyo Xaaskiisa, dacwada lagu soo oogayna ay weli socoto, waxaana dib loogu celiyay halkii ay ku xirnaayeen isaga iyo xaaskiisa.
Dhageysiga dacwadda wadaadkan iyo xaaskiisa ayaa dib u furmaysa 25-ka bisha Juun ee sannadkan 2014-ka, sida uu sheegay garsooraha maxkamadda la horgeeyay Sheekh Xasan Xuseen Aadan (Xassaan).
Xariga wadaadkan iyo xaaskiisa ayaa imaanaya xilli dhawaan ay magaalada Nairobi ka dhaceen qaraxyo dhowr ah oo sababay dhimasho iyo dhaawac, taasoo keentay in ciidamada Kenya ay howlgallo ay dad badan ku xirxireen ka billlaabaan xaafadda Islii ee Niarobi oo ay Soomaalidu deggen tahay.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya