Qaraxyo xalay ka dhacay Garoonka Deegaanka Dhadhaab ee dalka Kenya

Jimco, Abriil 04, 2014 (HOL) — Laba Qarax oo waaweyn ayaa fiidnimadii xalay ka dhacay garoonka diyaaradaha deegaanka Dhadhaab oo ay ku yaallaan saddexda xero ee ay ku nool yihiin ku dhawaad nus-malyuunka qoxootiga Soomaaliyeed ah ee ku nool dalka.

Qaraxyadan ayaa la sheegay inaysan wax khasaare ah geysan, balse ay ahaayeen kuwo aad u xooggan oo laga maqlay illaa degmada Mandheera ee gobolka waqooyi-bari ee Kenya.

“Waxaan 8:00 fiidnimo ee xalay maqalnay laba qarax oo waaweyn, midkii koowaad ayaa dhacay, wuxuuna ahaa mid aad u dhawaq weynaa, iyadoo dadka uu walaac weyn soo galay ayaa haddana waxaa dhacay kii lahaad oo dhulka oo dhan ruxay,” ayuu yiri Maxamed Ibraahim oo ka mid ah dadka ku nool Dhadhaab.

Taiyaha booliiska Dhadhaab oo isaguna warbaahinta Kenya la hadlay ayaa sheegay in qaraxyo waaweyn ay ka dhaceen deegaanka, balse aysan jirin wax khasaare ah oo la og-yahay oo ay geysteen.

Mas’uul ka tirsan ha’yadaha samafalka ee ka howlgala xeryaha qoxootiga Dhadhaab-Kenya ayaa isaguna BBC-da u sheegay in qaraxyadan ay ka dhaceen guryo ku dhow garoonka diyaaradaha deegaanka oo kaasoo ay isticmaalaan diyaaradaha ha’yadaha gargaarku ay leeyihiin.

“Guryo ayaa aad ugu dhow garoonka oo dhinaca dambe kaga yaalla, kuwaasoo ah kuwo jiingado ka sameysan, waxaana maqlay in jiingadahaas midood ay labada qarax ka dhaceen,” ayuu yiri mas’uulkan.

Ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay qaraxyadaas xooggan ee xalay ruxay deegaanka Dhadhaab, iyadoo sidoo kalena aysan jirin war rasmi ah oo qaraxyadan ku saabsan oo kasoo baxay dowladda Kenya.

Qaraxyadan ayaa waxay kusoo beegmayaa iyadoo dhawaan dowladda Kenya ay ku amartay qoxootiga Soomaalida ah ee magaalooyinka jooga inay dib ugu laabtaan xeryaha Qoxootiga, taasoo wasiirka arrimaha gudaha Kenya uu ku sheegay mid ka mid ah qorshayaasha ay ammaanka dalkooda ku adkeynayaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya