Puntland oo guddi u saartay xallinta khilaafka Puntland iyo Dowladda Dhexe

Jimco, Abriil 04, 2014 (HOL) — Golaha Wasiirrada Puntland oo shalay kulan ku yeeshay xaruntooda Garoowe ayaa guddi u saaray xal u helidda khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamulka Putland.

Guddigan oo heer wasiir ah ayaa waxaa laga dalbaday inay kasoo talo-bixiyaan khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe ee federaalka ah iyo Puntland, sidoo kalena ay ka fikiraan sida lagu xallin karo khilaafkaas.

Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali (Gaas) oo la doortay bishii Jannaayo ee sannadkan 2014-ka ayaa sheegay markii xilka loo doortay inuu ka shaqeyn doono isku soo dhaweynta dowladda dhexe iyo Puntland.

Sidoo kale, dhawaan ayuu sheegay in maamulkiisa uu diyaar u yahay inuu dowladda dhexe la shaqeeyo haddii ay ku dhaqmayso dastuurka dalka u yaalla, balse ma jirto hadallo intaas ka badan oo uu sheegay.

Waa markii ugu horreysay oo maamulka Puntland uu guddi u saarto xal u helidda khilaafka u dhexeeya maamulkooda iyo dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo khilaafkan uu soo shaac-baxay xilligii C/raxmaan Faroole uu madaxweynaha ka ahaa Puntland, kaddib markii uu sheegay in Puntland ay xiriirka u jartay dowladda Soomaaliya oo uu ku eedeeyay inay dastuurka KMG ah wax ka bedel ku sameysay.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sannadkii la soo dhaafay  sheegay inay ka shaqeynayaan sidii lagu xallin lahaa khilaafka soo dhexgalay Putland iyo dowladda dhexe, inkastoo uu sheegay inuusan ogeyn sababta keentay khilaafka.

Isku soo wada-duuboo, madaxweynaha Puntland C/weli Gaas oo ka mid ahaa ra’iisul wasaarayaashii soo maray dowladihii KMG ahaa ee Soomaaliya ayaa u muuqda inuu doonayo inuu hagaajiyo xiriirka dowladda Soomaaliya iyo Puntland.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya