3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 12, 2013
Tartan kubada cagta ah oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan

Sabti, Jannaayo, 12, 2013 (HOL) – Tartan kubadda cagta ah oo ay ka qeyb-qaadanayeen ilaa afar naadi oo ka kala socday xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Baladweyne ayaa galinkii danbe ee maalintii shalay lagu soo gabagabeeyay garoonka kubadda cagta Lama-galaay.

Tartanka oo socday mudo lix cisho ah ayaa lugtii ugu danbeeysay waxaa shalay ku kulmay kooxaha kubadda cagta Kooshin iyo Howl-wadaag oo soo bandhigay cayaar farsamadeedu sareysay taasoo 90-kii daqiiqo ee loogu talagalay ku soo dhamaatay 1-0 oo ay guusha ku raacay kooxda kubada cagta Kooshin.

Mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada Jabuuti oo ka mid ahaa boqolaal dadweyne ah oo goob joog u ahaa daawashada cayaarta ayaa markii ay soo idlaatay waxaa ay guda galeen bixinta abaalmarinada kooxihii ka qeyb-galay tartanka.

Tartanka oo ay ka qeyb-qaateen afarta kooxood ee kala ah Kooshin, Xaawo Taako, Howl-wadaag iyo Buundo-weyn, ayaa lagu kala saarayay dhibco, taasoo keentay in kaalinta labad ay tartanka ka galaan kooxda kubada cagta Xaawo Taako oo dhinaca dhibacaha ka sareysay kooxda Howl-wadaag.

Kooxda kaalinta koowaad ku soo baxday ee Kooshin ayaa la gudoonsiiyay koobkii guusha iyo lacag dhan $ 500 doolar, halka kooxda Xaawo Taako oo ku soo baxday kaalinta labaad ee lagu abaalmariyay lacag dhan $ 400 oo doolar, waxaa ay sidoo kale kooxda abaal-marin u heshay cayaartooyigii ugu wanaagsanaa dhinaca Gool dhalinta oo la siiyay $ 100 doolar, iyo Goolyahihii ugu khaatarsanaa intii uu tartanku socday oo noqday goolyaha isla kooxda Xaawo Taako oo la siiyay lacag dhan $ 100 doolar.

Sidoo kale, kooxda Howl-wadaag oo ku soo baxday kaalinta sadaxaad ayaa la la gudoonsiiyay abaalmarin lacageed oo dhan $ 500 oo doolar, halka mid ka mid ah isla cayaartooyda kooxda loo aqoosaday cayaaryahankii ugu wanaagsanaa intii uu tartanku socday oo la siiyay lacag dhan $ 100 doolar.

Kooxda Buundo-weyn ayaa heshay abaalmarin lacageed oo dhan $ 300 oo doolar oo lagu gudoonsiiyay sida laga sheegay garoonka kooxdii ugu cayaarta wanaagsaneyd mudadii uu tartanku socday.

Guddoomiyaha gobollka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax oo ka hadllay goobta ayaa sheegay in ay dhiiri-galinayaan tartamada noocan oo kale ah, isaga oo uga mahad celiyay guddiga Olambikada gobollka sida ay ugu howlan yihiin hormarinta Sprotiga gobollka.

Col Cismaan Dubad taliyaha ciidamada Jabuuti ee magaalada Baladweyne ayaa sheegay in ay xoogga saarayaan juhdiga ugu badanna ku bixin doonaan sidii ay dhalinta gobollka ugu dhiiri-galin lahaayeen cayaaraha oo qeyb ka qaata ayuu yiri is dhax-galka bulshada iyo soo celinta nabad-galyada.

Tartanka oo ahaa kii ugu xiisaha iyo xamaasada badnaa oo sanadihii ugu danbeeyay soo mara gobollka ayaa marka laga soo tago dadweyihii nasiibka u hellay in ay daawadaan cayaartii shalay waxaa dadka u sahashay in ay si toos ah ula socdaan habka ay cayaartu u soctay iyo bixinta abaalmarinada Idaacada Radio Baladweyne oo ah Idaacad FM-ah kuna hadasha afka dowladda Soomaaliya.

Dhinaca maali-galinta waxaa tartanka gacan ka siisay hay’adda DRC, halka ciidamada Jabuuti ay dayactireen garoonka oo bur bursanaa 22-kii sano ee la soo dhaafay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 
Baladweyne, Soomaaliya.













Click here
1/12/2013 7:14 AM EST
Sabti, Jannaayo 12, 2013 (HOL) — Raashinkii quutal daruuriga ahaa, ayaa qaali garoobay ka dib markii sarifkii lacagta uu kor u kacay, taas oo maalmihii u dambeeyey ku abuurtay dadweynuhu inay iibsan kari waayaan.

1/12/2013 7:11 AM EST
Sabti, Jannaayo 12, 2013 (HOL) — Ugu yaraan 20-qof oo isugu jira dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah ayaa ku dhintay dagaal xalay gellinkii dambe ku dhexmaray deegaanka Buulo-mareer ee gobolka Shabeellada Hoose ciidamada kumaandooska Faransiiska iyo xoogagga Al-shabaab.

1/12/2013 7:08 AM EST
Sabti, Jannaayo 12, 2013 (HOL) — Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta ka dhacay laba qarax oo mid ka mid ha lagu weeraray gaari uu watay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo ay ku dhaawacmeen qaraxaas laba ka mid ah ilaaladii xildhibaanka.

1/12/2013 3:01 AM EST
Sabti, Jannaayo 12, 2013 (HOL) — Ciidamada ammaanka Kenya ayaa xalay ku toogtay xerada Dhagaxleey oo ka mid ah xeryaha Dhadhaab ku yaalla nin la sheegay inuu ahaa burcad dadka xeradaas ku jira dhac ugu geysanayay qori la been abuuray.

1/12/2013 2:29 AM EST
Sabti, Jannaayo 12, 2013 (HOL) — In ka badan 780 arday ayaa u fadhiistay imtixaanka kulliyadaha kala duwan ee jaamacadda Nugaal xarumaheeda ay ku leedahay magaaladda Laascaanood ee gobolka Sool. Imtixaankan oo ah imtixaan sanadeedka jaamacadda ayaa sida uu sheegay guddoomiyaha jamacadda, C/risaaq Maxed Aadan (Lafoole) uu ka duwan yahay imtixaandaadkii ka horreeyey isagoo xusay inay ugu talogaleen qaab loo kordhinayo aqoonta iyo tayada ardayda jaamacada ka qalin-jebinaysa.

1/12/2013 1:25 AM EST
Sabti, Jannaayo 12, 2013 (HOL) — Xukuumadda dalka Ingiriiska ayaa shaacisay inay matigelinayso sannadkan shir looga hadlayo arirmaha dalka Soomaaliya, waxaana shirkan uu daba-socdaa shirkii lagu qabtay London bishii Feberaayo ee sannadkii hore kaasoo socday hal maalin loogana hadlay arrimaha Soomaaliya.

1/12/2013 1:03 AM EST
Sabti, Jannaayo 12, 2013 (HOL) — Guddoomiyihii bankiga dhexe ee dalka Jabuuti, Jaamac Maxamuud Xayd ayaa xalay ku geeriyooday isbitaalka Aga Khan ee magaalada Nairobi halkaasoo maskaxda looga qalay.

1/12/2013 12:46 AM EST
Sabti, Jannaayo 12, 2013 (HOL) — Iska-horimaad culus ayaa xalay saqdii dhexe ku dhexmaray deegaanka Buulo-mareer ee gobolka Shabeellada Hoose ciidammo watay diyaarado kuwa qumaatiga u kaca ah iyo xoogagga Al-shabaab, iyadoo dagaalkaas uu dhaliyay khasaare nafeed oo soo kala gaarta labada dhinac.