4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 12, 2013
Boqolaal Arday ah oo u fariistay Imtixaanka kulliyadaha Jaamacadda Nugaal ee Magaalada Laascaanood (SAWIRRO)

Sabti, Jannaayo 12, 2013 (HOL) — In ka badan 780 arday ayaa u fadhiistay imtixaanka kulliyadaha kala duwan ee jaamacadda Nugaal xarumaheeda ay ku leedahay magaaladda Laascaanood ee gobolka Sool.
Imtixaankan oo ah imtixaan sanadeedka jaamacadda ayaa sida uu sheegay guddoomiyaha jamacadda, C/risaaq Maxed Aadan (Lafoole) uu ka duwan yahay imtixaandaadkii ka horreeyey isagoo xusay inay ugu talogaleen qaab loo kordhinayo aqoonta iyo tayada ardayda jaamacada ka qalin-jebinaysa.

Kuliyadaha imtixaanka u fadhiistay ayaa sida uu sheegay Lafoole ay kala yihiin shareecada islaamka, computer science, maamulka iyo maareynta, Horumarinta Bulshada, xannaanada Xoolaha, caafimaadka iyo kuliyadda waxbarashada iyo luuqadaha.

Jaamacadda Nugaal oo haatan deggen sadex xarumood oo qaarkood ay kiro yihiin ayaa sannadkan la filayaa inuu dhamaystirmo dhisme ballaadhan oo jaamacadda ku dhawaad sadex sano ka soconayay badhtamaha magaaladda Laascaanood kaasoo ay wax ku baran karaan kumanaan arday oo la filayo inay soo galaan sannadaha soo socda.



Sidoo kale, jaamacadda ayaa waxaa ka dhex samaysma ururo ay ardaydu leeyihiin sida NUSGED oo ay leeyihiin haween wax-barsho bilaa lacag ah jaamacaddu siiso kuwaasoo iyaguna billaabay barnaamiyo ay dadka wax ugu qabanayaan oo ay ka mid yihiin nadaafadda oo 17-ka bil kasta meelaha bulshada ka dhexeeya ay nadiifiyaan, dhir beeris iyo wacyigelinba.

Waxaa ururradaas ka mid ah urur ay leeyihiin ardayda horumarinta bulshada, kuwaasoo bishiiba mar si toos ah iyo si dadban u abaara meelaha ilaha u ah horumarinta bulshada oo ay ka mid yihiin ganacsatadda yar-yar, caafimaadka iyo meelaha kale ee ay is leeyihiin waxbaad u kordhin kartaan, iyagoo dood-wadaag kala yeesha howlaha ay bulshada u hayaan.

Jaamacadda Nugaal dhawaan ayay 10-sano jirsanaysaa waxayna ku sii siqaysaa inay hanato dhammaan ardayda dugsiyada sare kasoo baxay iyadoo sannadihii lasoo dhaafay midba si ha ahaadee ay jireen hiyi-kac si toos ah ay ardaydu haybin jireen inay aadaan meelo kale oo ka baxsan gobolka. Inkastoo sanadba sanadka ka dambeeya uu soo yaraanayey halka sanadkan aynu soo dhaafnay ay soo galeen ardaydii dusiyada sare kasoo baxday intoodii badnayd, walow ay caqabad siyaasadeed soo wajahday kaddib markii ardaydii dugsiyada sare ka baxaysey ee ku sugnaa magaalada Laascaanood diideen inay galaan imtixaan aanay soo diyaarin dawladda federaalka Soomaaliya kuwaasoo u boqoolay Buuhoodle, Xudun, Taleex iyo Boocame.



Si kastaba ha ahaatee, jaamacadda Nugaal “Nugaal University” ayaa mansab wanaagsan iyo bidhaan muuqaal oo bilicsan uga muuqata waxaase eegi doonaa doorka maamul ee hagaya qorshe horumarinteeda iyo sannadkan haatan la guda galay ee 2013-ka.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool