4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 12, 2013
Ciidamada Ammaanka Kenya oo ruux burcad ah ku dilay Xerada Dhagaxleey oo ka mid ah xeryaha Dhadhaab-Kenya

Sabti, Jannaayo 12, 2013 (HOL) — Ciidamada ammaanka Kenya ayaa xalay ku toogtay xerada Dhagaxleey oo ka mid ah xeryaha Dhadhaab ku yaalla nin la sheegay inuu ahaa burcad dadka xeradaas ku jira dhac ugu geysanayay qori la been abuuray.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ninkaas burcadka ah uu dhowr qof ka qaatay lacago iyo waxyaabo kale, kaddibna lagu wargeliyay booliiska taasoo keentay in goobtaas ay ku toogtaan.

"Ninkan wuxuu ka mid ahaa dadka dhibaatooyinka ka geysta xeryaha Dhadhaab, aad ayaana u soo dhaweynaynaa dilkiisa, waayo wuxuu tusaale cad u yahay burcadda kale," ayuu yiri mid ka mid ah dadka ku jira xerada Dhagaxleey.

Sarkaal u hadlay booliiska Kenya ayaa sheegay in ninka la dilay uu dadka ku dhacayay qori macmal ah oo loo ekeysiiyay qori run ah, isagoo sheegay inay warbixinno ka heleen shacabka dabadeedna ay toogteen burcadkaas.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ninkan uusan ka mid ahayn dadka ku jira xeryaha qoxootiga Dhadhaab, gaar ahaan xerada Dhagaxleey oo lagu dilay.

Xeryaha qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya oo ah kuwa ugu weyn dunida ayaa waxay hoy u yihiin in ka badan nus-malyuun qoxooti Soomaaliyeed ah, iyadoo tan iyo sannadkii uu ammaanka xeryahaas ahaa kuwo aad xun.

Arrintan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo dowladda Kenya ay ku dhawaaqday in Soomaalida aan sharciga lahayn ee ku sugan magaalooyinka ay aadaan xeryahaas, si halkaas loogu diiwaan-geliyo.

Dhanka kale, hay'adda qoxootiga adduunka ee UNHCR ayaa sheegtay in maalin walba ay ka tagaan xeryaha Dhadhaab 100 qof oo ka cararaya nabadgalyo darrida ka jira xeryahaas, kuwaasoo dib ugu laabanaya gudaha Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya