Sabti, Jannaayo 12, 2013 (HOL) — Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta ka dhacay laba qarax oo mid ka mid ha lagu weeraray gaari uu watay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo ay ku dhaawacmeen qaraxaas laba ka mid ah ilaaladii xildhibaanka.
Qaraxa lagu weeraray gaariga xildhibaanka ayaa wuxuu ka dhacay xaafadda Buulo-xuubeey ee degmada Wadajir, waxaana qaraxa kale oo aan la garanayn khasaraha ka dhashay uu isaguna ka dhacay xaafadda warshadda caanaha ee degmada Hodan.
"Gaari uu watay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka dhacay xaafadda Buulo-xuubeey, wuxuuna ahaa miino dhulka lagu aasay. Xildhibaanka oo lagu magacaabo Maxamed Cabdullaahi wax kasoo gaaray ma jirto, balse laba ilaaladiisa ka mid ah ayaa waxaa kasoo gaaray dhaawacyo kala duwan," ayuu yiri afhayeenka booliiska Soomaaliya, Col. Cabdullaahi Xasan Bariise oo saxaafadda uga war-bixiyay qaraxyada.
Afhayeenku wuxuu sidoo kale sheegay in qaraxii ka dhacay warshada caanaha aysan ogeyn khasaaraha ka dhashay balse ay ciidammo booliis ah u direen si ay u soo hubiyaan waxyeellada uu geystay.
Magaalada Muqdisho oo dhawaanahan ahayd mid deggen ayaa waxay qaraxyadan noqonayaa kuwii ugu horreeyay oo sannadkan cusub ka dhaca magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.
Ciidamada dowladda ayaa la sheegay inay 10-qof u qabqabteen qaraxii lagu weeraray gaariga mudanaha ka tirsan baarlamaanka kaasoo noqonaya kii ugu horreeyay oo qarax lagu weeraro.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu weeraray Qarax Miino iyo Qarax kale oo Muqdisho ka dhacay
More News
- Tartan kubada cagta ah oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan
- Sare-u-kac ku yimid Qiimaha Raashinka Quutal-daruuriga ah iyo Xukuumadda Somaliland oo aan illaa hadda waxba ka qaban
- Faahfaahin ku saabsan iska-horimaad ciidammo Faransiis ah iyo Xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray Deegaanka Buulo-Mareer
- Ciidamada Ammaanka Kenya oo ruux burcad ah ku dilay Xerada Dhagaxleey oo ka mid ah xeryaha Dhadhaab-Kenya
- Boqolaal Arday ah oo u fariistay Imtixaanka kulliyadaha Jaamacadda Nugaal ee Magaalada Laascaanood (SAWIRRO)
- Dowladda Britain oo shaacisay in ay mar kale Marti-gelinayso kulan Arrimaha Dalka Soomaaliya looga hadlayo
- Guddoomiyihii Bankiga Dhexe ee Waddanka Jabuuti oo xalay ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaalada Nairobi
- Iska-horimaad Xooggga Al-shabaab iyo Ciidammo Faransiis ah ku dhexmaray Gobolka Shabeellada Hoose