Khamiis, Jannaayo 10, 2013 (HOL) — Afhayeenka AMISOM, Col. Cali Aadan Xumud oo u dhashay dalka Jabuuti ayaa sheegay maanta oo Khamiis ah in ciidamada Midowga Afrika ee howgallada kawada gudaha Soomaaliya ay guulo la taaban karo ka gaareen, isagoo sidoo kale sheegay in ciidamada dowldda Soomaaliya hadda kaddib lagu tababari doono gudaha dalka.
Col. Xumud oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay inay hadda AMISOM ka howlgasho gobollo ka baxsan caasimadda ayna sugtay amniga goobahaas, isagoo xusay in howgalladu ay sii socon doonaan.
“Howlgalka AMISOM wuxuu markii hore ahaa mid si qun-yar ku socda, balse ay howlgalkoodu bedeleen sannadihii ugu dambeeyay ayna gaareen meelo ka baxsan halkii ay howlgalka kawadi jireen, guulo ayaana laga gaaray,” ayuu yiri Col. Xumud oo intaas ku daray in howgalladu ay sii socon doonaan.
Afhayeenku wuxuu hadalkiisa ku daray in ciidamada AMISOM ay hadda ku sugan yihiin dhowr gobo loo ku yaalla Soomaaliya, kuwaasoo ay ka mid yihiin gobolka Hiiraan oo ay ku sugan yihiin ciidamada, gobolka Jubbada hoose oo ay ku sugan yihiin ciidamada Kenya iyo gobolada Shabeellooyinka iyo Bay oo ay ku sugan yihiin ciidamada Burundi iyo Uganda.
Sidoo kale, afhayeenka AMISOM wuxuu ka dhawaajiyay in ciidamada dowladda Soomaaliya wixii hadda ka dambeeya lagu tababari doono gudaha dalka, halkii markii hore tababar loogu qaadi jiray dalka dibaddiisa.
“Ciidamada dowladda wixii hadda ka dambeeya gudaha ayaa tababar lagu siin doonaa marka laga reebo saraakiil yar oo xirfado kala duwan lagu soo bari doono dalka dibaddiisa,” ayuu yri afhayeenka ciidamada Midowga Afrika.
Howgalka Midowga Afrika oo billowday sannadkii 2007 ayaa wuxuu sannadkii hore ka gudbay Muqdisho oo ahayd halkii ay howgalka ka billaabeen iyagoo ka qabsaday Al-shabaab dhul-ballaaran oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaailya
AFHAYEENKA AMISOM: “Guulo muuqda ayaan ka gaarnay Howl-gallada aan ka wadno Gudaha dalka Soomaaliya”
More News
- Maayarka cusub ee Degmada Saylac oo xilka la wareegay Iyo Gaari uu lahaa oo lagu gubay Xafiiska Barasaabka Gobolka Selel
- Deeq lacageed oo Maanta lasoo Gaarsiiyay Isbitaalka lagu daweeyo Cudurka Qaaxada (TB) ee Magaalada Laascaanood
- Madaxweynaha Soomaaliya oo Xarunta Madaxtooyada kula kulmay Saraakiil sarsare oo ka socday Bankiga Adduunka
- Ciidamada Ammaanka dalka Jabuuti oo Toogasho ku dilay Wiil 14-jir ah oo ka qayb-qaadanayay Mudaaharaad Nabadeed
- Dowladda Mareykanka oo Malaayiin lacag ah dul-dhigtay dad u dhashay dalka Suudaan oo la safan Al-shabaab
- Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee shirka Maamul u sameynta Jubbooyinka oo ka socoto Magaalada Kismaayo
- AMISOM oo Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda Soomaaliya u qabanaysa Tababaarro ay aqoontooda ku kobcinayso
- Kooxo ku labisan dharka ciidamada Dowladda Soomaaliya oo dhac ka geysta Qeybo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose