4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 10, 2013
Ciidamada Ammaanka dalka Jabuuti oo Toogasho ku dilay Wiil 14-jir ah oo ka qayb-qaadanayay Mudaaharaad Nabadeed

Khamiis, Jannaayo 10, 2013 (HOL) — Ciidamada ammaanka Jabuuti ayaa ku dilay toogasho wiil 14-jir ah kaddib markii ay rasaas ku fureen mudaaharaad nabadeed oo ka dhacayay magaalada Obokh, iyadoo rasaastaas ay tiro kale oo dad ah ku dhaawacmeen, sida ay shaacisay hay’ad u doodda xuquuqda aadanaha oo magaceeda loosoo gaabiyo FIDH.

Falkan oo dhacay 30-kii bishii December ee sannadkii 2012 oo ku beegnayd toddobaadkii hore, ayaa waxaa cambaareeyay hay’adaha xuquuqda aadanaha ee ka jira dalka Jabuuti, iyagoo dowladda ku eedeeyay inay six un ula dhaqantay dad dibadbax nabadeed dhigayay.

“Maalin Axadda oo ay ku beegnayd 30-kii Diseember, waxaa magaalada Obokh isugu soo baxay caruur arday ah oo ka cabanayay arrimo ku saabsan kaabayaasha ciyaaraha oo ay magaaladaas ku liidato. Balse nasiib-darro ciidamada ammaanku waxay ku fureen rasaas, taasoo keentay inuu ku dhinto wiil 14-jir ah oo lagu magacaabi jiray, Xafez Maxamed Xasan,” ayay hay’addu ku sheegtay war-saxaafadeed ay soo saartay. 

Sidoo kale, dadka ku dhaawacmay shilkaas waxaa ka mid ah, Axmed Max’ed Cali, Cali Kanaano Barqo, Cali Cumar, Faadumo Ibraahim Muuse, Haashim Xasan Maxamed, Xasna Maxamed Cali, Cumar Maxamed Cali, Cali Maxamed Cali iyo Caasho Diini oo ah haweeney 70 jir ah oo ka mid ah dadka Obokh ku nool, iyadoo la sheegay in qaar ka mid dhaawacyada ay xaaladoodu tahay mid aad khatar u ah.

“Dhacdadan waa mid mas’uuliyad-darro ah oo ay ku kaceen ciidamada dalka Jabuuti, waana fal aan loo cafinayn. Markii ay ciidamada xoogu ugaarsadaan caruurta taasi waxay caddeyn u tahay in xadgudubyada xuquuqda aadanaha ay meel sare gaartay,” ayuu yiri Suhayr Bel-Xasan oo ah madaxa hay’adda warbixinta soo saartay ee FIDH.

Ugu dambeyn, hay’aduhu beesha caalamka ka dalbadeen in Jabuuti lagula xisaabtamo falkan oo ah mid meel-ka-dhac ku ah xuquuqda aadanaha, iyagoo sidoo kale ka dalbaday dowladda Jabuuti inay xushmeyso xuquuqda aadanaha.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya