Khamiis, Jannaayo 10, 2013 (HOL) —Isbitaalka lagu daweeyo cudurka qaaxada (TB-da) ee magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa maanta la gaarsiiyay deeq lacageed oo loogu talo-galay in lagu quudinta dadka lagu daweynayo isbitaalkaas.
Deeqdan oo ahayd 1,000 doolarka Maraykanka ah ayaa waxaa madaxda isbitaalka guddoonsiiyay madaxa xawaaladda Tawakal ee magaalada Laas-caanood, Cali Cabdinuur Xaashi oo sheegay inuu deeqdan soo gaarsiisay, Yaasmiin Jaamac Cabdi Bille.
Dr. Cabdi Maxamed Buraale madaxa isbitaalka qaxada ee Laascaanood oo lacagtaas guddoomay ayaa uga mahad-celiyey Yaasmiin iyo inta kale ee la wadaagta howshan lagu soo ururiyay lacagta deeqda ah ee lasoo gaarsiiyay walaalahooda cudurka qaaxadu la-jiifa sariiraha isbitaalka Laascaanood.
Sidoo kale Dr. Buraale ayaa sheegay in muddooyinkii lasoo dhaafay ay dhowr jeer deeq tan oo kale ah ay soo gaarsiisay isbitaalka Yaasmiin jaamac oo uu ka xusay mid ay kusoo iibsadeen agab isbitaalku u baahnaa iyo kuwo cunno ahaan loo siiyay.
Dhakhtarka ayaa ku dheeraaday dhibaatada qaaxadu ay ku hayso bulshada degaanka, isagoo sheegay inay tahay cudurka koowaad ee dadka ku dhaca waxaana taas ugu wacan ayuu yiri bukaanka oo aan raashin ku filan helin dawaduna aanay sidii la rabay wax-tar u yeelanayn.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Dr. Buraale sheegay inay jiraan weli dad badan oo wax ceeb ah u haysta cudurka qaaxada isla markaana ka fogaada baaritaanka iyagoo dadka ugu sheega hargab ama durey ku xumaaday oo inta badan sababa fiditaanka cudurkan.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa soo badanayay sannadihii lasoo dhaafay deeqaha soo gaaraya isbitaalka Laascaanood oo ka imaanaya qurba-joogta meelo kala duwan ku sugan taasoo wax weyn ka tartay bukaanka isbitaalka ku sugan khaasatan kuwa isbitaalka qaaxada oo ah halka keliya ee aan marna faaruqin.
Saynab Cabdi Warsame
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool
Deeq lacageed oo Maanta lasoo Gaarsiiyay Isbitaalka lagu daweeyo Cudurka Qaaxada (TB) ee Magaalada Laascaanood
More News
- Maayarka cusub ee Degmada Saylac oo xilka la wareegay Iyo Gaari uu lahaa oo lagu gubay Xafiiska Barasaabka Gobolka Selel
- Madaxweynaha Soomaaliya oo Xarunta Madaxtooyada kula kulmay Saraakiil sarsare oo ka socday Bankiga Adduunka
- Ciidamada Ammaanka dalka Jabuuti oo Toogasho ku dilay Wiil 14-jir ah oo ka qayb-qaadanayay Mudaaharaad Nabadeed
- AFHAYEENKA AMISOM: “Guulo muuqda ayaan ka gaarnay Howl-gallada aan ka wadno Gudaha dalka Soomaaliya”
- Dowladda Mareykanka oo Malaayiin lacag ah dul-dhigtay dad u dhashay dalka Suudaan oo la safan Al-shabaab
- Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee shirka Maamul u sameynta Jubbooyinka oo ka socoto Magaalada Kismaayo
- AMISOM oo Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda Soomaaliya u qabanaysa Tababaarro ay aqoontooda ku kobcinayso
- Kooxo ku labisan dharka ciidamada Dowladda Soomaaliya oo dhac ka geysta Qeybo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose