4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 10, 2013
AMISOM oo Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda Soomaaliya u qabanaysa Tababaarro ay aqoontooda ku kobcinayso

Khamiis, Jannaayo 10, 2013 (HOL) — Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay inay tababarro siinayaan shaqaalaha rayidka ah ee dowladda si ay sare ugu qaaddo aqoonta shaqaalaha kala duwan ee hay’adaha dowladda Soomaaliya, iyagoo sheegay inay tani qayb ka tahay howlaha ay u joogaan Soomaaliya.

Tababarradan ayaa waxaa ka qaybqaadan doona 120 shaqaale ah oo ay ku jiraan xoghayeyaal, saraakiisha anshaxa iyo maamulayaal, iyadoo dhaqaalaha ku baxaya tababarka ay bixin doonto dowladda Talyaaniga, waxaana bixin doonta tababarka jaamacadda Koonfur Afrika (UNISA).

“Siminnaarka waxaa loo qaybiyay laba waji oo kan hore uu dhici doono 14-ka illaa 20-ka bishan Jannaayo 2013, halka wajiga labaadna uu dhici doono 21-ka illaa 24-ka isla bishan, waxaana tababarradu ay ka dhici doonaan magaalada Bujumbura ee dalka Burundi,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay AMISOM.

Qorshahan ayaa ka dhashay kulan lagu qabty magaalada Kampala bishii Maarso ee sannadkii 2010. Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in AMISOM ay waddo qorshe ay ku dhisayso aqoonta shaqaalaha rayidka ah ee dowladda Soomaaliya.

Dhismaha awoodda aqooneed ee shaqaalaha rayidka ah ee dowladda ayay ku sheegtay AMISOM inay qayb ka tahay lixdii qodob ee uu madaxweynaha Soomaaliya ku sheegay in inay ku shaqeynayso dowladda uu hoggaanka u hayo.

Ciidamada AMISOM ayaa horay tababarro u siiyay ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya, taasoo ay ku sheegeen inay qayb ka tahay howgalka ay u joogaan Soomaaliya, balse tababarkan ayaa noqonaya kii uug horreeyay noociisa oo ay u fidiyaan shaqaalaha rayidka ah ee dowladda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya