4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 2 , 2013
Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Kismaayo oo sheegay in shirka maamul u sameynta Jubbooyinka uusan Khilaafsnayn Dastuurka


Sabti, Maarso 02, 2013 (HOL) — Guddoomiye ku xigeenka maamulka KMG ah ee Kismaayo, Yaasiin Nuur Gaas ayaa sheegay in maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka iyo Gedo uu si wanaagsan u socdo, isagoo sheegay in ergooyinka qaarkood ay weli kusoo wajahan yihiin Kismaayo.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa ku tilmaamay shirka mid khilaafsan dastuurka dalka dowladduna aysan raalli ka ahayn wixii dastuurka jabinaya.

 “Innagu waxaan qabnaa inaan ku taaganahay dastuurka dalka u yaalla oo ay dowladdu ku dhisan tahay, meel uu ka khilaafsan yahayna aysan jirin, waayo dadku xaq ayuu u leeyahay sida dastuurku qorayo in laba gobol iyo wixii ka badan ay xaq u leeyihiin inay sameystaan maamul hoostaga dowladda federaalka ah,” ayuu yiri Yaasiin Gaas oo BBC-da wareysi gaar ah siiyay.

Mas’uulkan wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku martiqaadeen shirka, welina maysan imaan, laakiin waxaan diyaar u nahay inaan dowladda ula noqono wixii aan dhisnno.

Su’aal la weydiiyay in dowladda ay saluugayso in beelo gobollada Jubboyinka ku dhaqan aysan ku qanacsnayn shirka oo cabashadooda ay dowladda u gudbiyeen, dowaldduna ay doonayso in loo dhammaado shirka ayuu kaga jawaabay:

“Maamulladii la dhisayay oo dhan qolo ayaa lahayd kuma qanacsanin, marka Soomaaliya kama dhamaato kuma qanacsi, balse 99% dadka gobolladan ku nool way isku raacsan yihiin maamulkan.”

Sidoo kale, mar uu ka jawaabay sida ay dowladda iyagu u heshiin karaan maadaama ay sidan u kala fog yihiin ayuu kaga jawaabay: “Dowladda ama waa noo imaanaysaa ama waan u tagaynaa, in lawada tashado oo khilaafka la dhameeyana waxba kama qabo innagu.”

Ugu dambeyn, Yaasiin Nuur Gaas wuxuu sheegay in maamul walba oo la dhisayo uu muran ka yimaado, balse uu rajeynayo in maamulkan uu noqon doono kan ugu khilaaf yar ee la dhiso.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya