4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 2 , 2013
Saraakiisha Maamulka Gobolka Hiiraan oo Faah-faahin ka bixiyay Xariga Duqa Magaalada Baladweyne oo ku jira Xabsiga

Sabti, Maarso 02, 2013 (HOL) — Duqa magaalada Baladweyne, Maxamed Xassan Nuur oo sadaxdii cisho ee lasoo dhaafayba ku xirnaa saldhiga magaalada Baladweyne ayaa markii ugu horeysay waxaa xarigiisa ka hadllay saraakiisha maamulka gobolka.

Taliyaha saldhiga booliiska magaalada Baladweyne Col Cali Dhuux Cabdi  Mahad Alle ayaa warbaahinta uga warbixiyay xariga duqa magaalada Baladweyne, isaga oo sheegay in ay soo xireen guddiga nabad-galyada gobollka kadib markii uu u gacan qaaday mas’uul ka tirsan maamulka degmada.

"Duqa magaalada waxaa soo xiray guddiga nabad-galyada gobollka, waxaa uu u gacan qaadan mas’uul ka tirsan maamulka degmada, sharciga waa loo siman yahay, sidaa daraadeed xabsiga ayaa la dhigay, arinta ku saabsan dacwadiisana waa ay soctaa,’’’ ayuu yiri taliyaha saldhiga booliiska magaalada Baladweyne.

Ma uusan bixin faah faahin intaa dhaafsiisan oo la xiriirta sababta dhabta ah ee ka danbeysa xariga duqa magaalada Baladweyne Max’ed Xassan Nuuriye oo xiligan ku xiran saldhiga booliiska magaalada Baladweyne.

Ma’aha mas’uulkii ugu horeeyay oo ay ka tirsan maamulka gobollka Hiiraan oo la xiro, iyadoo dabayaaqadii sanadkii aynu soo dhaafnay ciidamada Jabuuti ee mudo kooban xireen guddoomiye ku-xigeenka arrimaha nabad-galyada maamulka gobollka Hiiraan Axmed Cismaan C/dalla Inji oo sida la sheegay u gacan qaaday gudoomiye ku-xigeenka arrimaha siyaasada gobolka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya