4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 2 , 2013
Maxkamadda Ciidamada Puntland oo dil ku Xukuntay laba Ruux la sheegay in ay Al-shabaab ka tirsan yihiin (SAWIRRO)


Sabti, Maarso 02, 2013 (HOL) — Maxkamadda ciidamada Puntland -laanteeda gobolka Nugaal - ayaa maanta xukuntay 2 nin oo ku eedeysnaa in ay ka tirsan yihiin xarakada Al-shabaab. Nimankan oo lagu kala magacaabo Cabdirisaaq Xasan Tahliil iyo Maxamuud Nuux Adam ayaa lagu ridey xukun dil ah.

Guddoomiyaha maxkamadda Ciidamada ee gobolka Nugaal Axmed Cabdi Bootaan oo isagu xukunka ku dhawaaqay, ayaa sheegay in labadan eedeysane ay maxkamaddu ku riddey xukun dil ah, kaddib markii uu ku cadaaday denbiga lagu soo eedeeyey.

"Kaddib markii ay maxkamaddu dhegeysatey eedeynta xeer ilaalinta iyo qareemada eedeysaneyaasha, waxay Cabdirisaaq Xassan Tahliil iyo Maxamuud Nuux Adam ku xukuntay dil toogasho ah.." sidaas waxa yiri guddoomiyaha maxkamadda markii uu xukunka ku dhawaaqayey.

Dhinaca kale ragga maanta la xukumay oo iyaguna dhankooda maxkamadda ka hadlay ayaa sheegay in aysan gelin wax denbi ah, islamarkaana aysan ka tirsaneyn Al-shabaab eedeynta loo soo jeediyeyna ay tahay mid lasoo maleegay, waa sida ay hadalka u dhigeene.

“Kiiskan laygu soo eedeeyey waxba kama jiraan, aniguna Shabaab kama tirsani qaraxna ma wadin, howsha lagu soo eedeeyeyna waxan u arkaa mid ay arin kale ka danbeyso.." mid kamid ah eedeysaneyaasha ayaa yiri.

Cabdirisaaq Xasan Tahliil iyo Maxamuud Nuux Adam oo ay ciidamada Puntland ku qabteen magaalada Gaalkacayo bishii November ee sanadkii hore, waxaa sidoo maxkamadda lagu soo bandhigay hub u badan bunbooyin iyo walxaha kale ee qarxa, kuwaas oo la sheegay in wateen xilligii gacanta lagu soo dhigayey.

Xukunka ay maanta riddey maxkamadda ciidamada ee gobolka Nugaal ayaa kusoo beegmaya dhowr beri kaddib markii ay sidan oo kale maxkamadda ciidamada gobolka Bari ay xukun kan lamid ah ugu riddey 11-qof oo ku eedeysnaa dilkii Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya