4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 2 , 2013
Kooxo Hubeysan oo Bambaano ku Weeraray Xarunta Idaacadeed oo ku Taalla Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay

Sabti, Maarso 02, 2013 (HOL) — Kooxo aan la aqoonsan ayaa bam-gacmeed  ku weeraray duhurnimadii maanta xarunta Radio Baydhabo oo ku yaalla xaafadda Cadaadda ee magaalada Baydhabo, iyadoo qaraxaas uusan geysan wax khasaare ah.

Ciiidamada ammaanka Baydhabo ayaa markiiba goobta gaaray iyadoo aysan jirin cid loo qabtay weerarkaas, waxaana idaacadda oo markii bamka lagu tuuray hawada ka baxday ay daqiiqado kadidb kusoo laabtay hawada iyadoo howlaheeda caadiga ah wadata.

Radio Baydhabo ayaa ah idaacada keliya ee laga dhageysto magaalada Baydhabo iyo deegaannada ku dhow-dhow, iyadoo aan la ogeyn sababta keentay in weerarka bambaano looga eegto maanta.

Maamulka Idaacadda iyo kan degmada Baydhabo ayaan weli ka hadlin weerarka bambaano ee lagu qaaday idaacadda, iyadoo tani ay qayb ka noqonayso falalka ammaan-darro ee kusoo kordhaya magaaladaas.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore sheegatay inay ka dambeysay falal ammaan-darro oo ka dhacay Baydhabo, balse kama hadlin weerarkan oo noqonaya kii ugu horeeyay sanadkan oo xarun idaacadeed lagu weeraro.

Hiiraan Online, Baydhabo