4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 8 , 2013
SEERAAR: “Dagaalladii Kismaayo ka dhacay Waxay ahaayeen Shirqoollo ay soo abaabushay Dowladda waana fashilinnay”


Sabti, Juun 08, 2013 (HOL) — Afhayeenka kooxda Raaskambooni ee uu hogaaminayo Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) ayaa sheegay in dagaalladii ka dhacayay Jimichii shalay iyo Sabtidii maanta ay ahaayeen shir-qoollo ay soo abaabushay dowladda Soomaaliya ayna ku guuleysteen inay fashiliyaan.

C/naasir Seeraar Maax ayaa sheegay in la hubeeyay dad la doonayay in lagu fashiliyo maamulka Jubbaland oo ay ku jireen 140 Al-shabaab ka tirsan oo uu sheegay inay ahaayeen kuwo ay hubeysay dowladda Soomaaliya si ay ugu carqaladeyso maamulka Jubbaland iyo deggenaashaha Kismaayo.

“Dagaalladii ka dhacay Kismaayo waxay ahaayeen kuwo ay soo abaabushay dowladda Soomaaliya waana fashilinnay,” ayuu C/naasir Seeraar ku sheegay wareysi uu siiyay BBC-da isagoo sheegay inay guud ahaan magaalada iyagu gacanta ku hayaan.

Seeraar ayaa eedeyn dusha uga tuuray wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo hadda ku sugan Kismaayo, isagoo xusay inuu magaalada soo geliyay xubnaha Al-shabaab ka tirsan . Sidoo kalena wuxuu eedeeyay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, Cabdikariin Xuseen Guuleed.

“Magaalada Kismaayo waxaa gacanta ku haya maamulka Jubaland waxaana u mahadcelinayaa ciidamada Raaskambooni oo ka hortagay shirqoolka la doonayay in lagu carqaladeeyo amniga magaalada laguna dhibaateeyo shacabka ku nool,” ayuu Seeraar ku yiri wareysigiisa.

Su’aal ahayd sababta ay magaalada ugu garaaceen hoobiyeyaasha ayuu kaga jawaabay in magaalada ay ka dagaalamayeen Al-shabaab ayna qasab tahay in loo adeegso hoobiyeyaal iyo hub kale oo culus si looga saaro.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa tan iyo shalay ku baaqaysay in la joojiyo dagaallada ka socda Kismaayo wax walbana lagu dhameeyo wadahadal iyo nabad, balse dowladdu weli wax jawaab ah kama bixin eedeeynta uu u soo jeediyay afhayeenka Raaskambooni ee ah inay hubeeyeen kooxo ay doonayeen inay kaga hortagaan maamulka Jubbaland.

Dhanka kale, mas'uulkii hoggaaminayay ciidamadii xoogagga Raaskambooni kula dagaalamay Kismaayo, Iftiin Xasan Baasto oo isaguna BBC-da la hadlayay ayaa sheegay inuu ku sugan yahay gudaha magaalada Kismaayo dagaalkuna uusan weli dhammaan.

“Qaybo ka mid ah magaalada innaga ayaa gacanta ku hayna, waxaana dagaalka sababay cadaadis ay kooxda Raaskambooni ku hayeen shacabka ku nool Kismaayo. Waayo dagaalku wuxuu ka billowday qorshe la doonayay in aniga la igu qafaasho,” ayuu yiri Baasto.

Si kastaba ha ahaatee, dagaalladii maanta ka dhacay magaalada Kismaayo oo ahaa mid culus ayaa waxaa ku dhintay inta la ogyahya 18-qof oo isugu jira shacab iyo dhinacyadii dagaalamayay, tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen, iyadoo dadka qarkoodna ay billaabeen inay guryahooda ka barakacaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya