4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 8 , 2013
Qarax Khasaare Geystay oo Degmada Dayniile lagula eegtay Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Gobolka Banaadir

Sabti, Juun 08, 2013 (HOL) — Qarax miino oo khasaare geystay ayaa maanta lagula eegtay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir oo uu hoggaaminayay guddoomiye ku xigeenka maamulkaas, Cali Axmed Guure.

Hal askari oo ka tirsan ciidamadii ilaalinayay mas’uuliyiintan ayaa ku dhintay laba kalena way ku dhaawacmeen, iyadoo la sheegay in gaari ka mid ah kuwii ay wateen mas’uuliyiintan uu burbur xooggan soo gaaray.

Guddoomiyaha degmada Dayniile, Xiireey Muxyadiin Cumar ayaa saxaafadda u sheegay inaysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray guddoomiye ku xigeenka gobolka, isagoo xusay in askartii ilaalada u ahayd uu kasoo gaaray qaraxa dhimasho iyo dhaawac.

“Qaraxan wuxuu ahaa miino dhulka lagu aasay, waxaana ku dhintay askari, laba kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray, ma jiraan wax khasaare ah oo soo gaaray mas’uuliyiintii maamulka gobolka,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Dayniile.

Mas’uuliyiintan oo ay ka mid ahayd guddoomiyaha degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir, Deeqo C/qaadir ayaa waxay u socdeen kormeer ay kusoo sameynayeen xaafado ka tirsan degmada Dayniile.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen burbur xooggan oo gaaray mid ka mid ah gaadiidkii ay wateen mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir, sidoo kalena ay arkeen dhimashada hal askari iyo dhaawaca laba kale.

Ma jiraan dad shacab ah oo khasaare uu u geystay qaraxaan, waxaana tani ay kusoo beegmaysaa iyadoo dhawaanahan ay degmooyinka gobolka laga waday howgallo lagu sugayo ammaanka, laguna raadinayo kooxo la sheegay inay Al-shabaab ka tirsan yihiin oo Muqdisho ku dhuumaaleysanaya.

Howgallo ay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda ka sameeyaan degmadaas ayaa lagu soo qabqabtay dhowr qof oo lagu eedeeyay inay qaraxaas lug ku lahaayeen, kuwaasoo ciidamadu sheegeen in la baarayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya