4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 8 , 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo Shacabka Soomaaliyeed ugu Baaqay in lala Shaqeeyo Xafiiska Cusub ee UNSOM (SAWIRRO)


Sabti, Juun 08, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan ergeyga cusub ee xoghayaha guud ee QM uu u soo magacaabay Soomaaliya iyo xafiiskiisa cusub ee UNSOM.

Madaxweynaha ayaa hadalkan sheegay kadib markii uu kulan kula qaatay, Nicholas Key xarunta madaxtooyada Soomaaliya, iyagoo kulankooda kaddib si wadajir ah ula hadlay warbaahinta.

“Farxad weyn ayay ii tahay inaan dajire Kay kusoo dhaweeyo Muqdisho isla markaana aan si rasmi ah u soo dhaweeyo xafiiska cusub ee UNSOM,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlayay shirka jaraa’id.

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray: “Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay in Qaramada Midoobay ay nagala tashteen soo magacaabidda wakiilkooda cusub ee Soomaaliya, waana markii ugu horreysay oo Qaramada Midoobay ay Soomaaliya u soo dirto mas’uul wakiil ka ah dhammaan hay’adahooda ka howlgala Soomaaliya.”

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu shirkiisa jaraa’id ku sheegay in shacabka Soomaaliyeed oo dhan ay tahay inay la shaqeeyaan UNSOM laguna saacido sidii ay dadkeenna u saacidi lahaayeen. Isagoo xusay in xafiiskan uu yahay mid sahlaya in la horumariyo adeegyada bulshada iyo wada-shaqeyn guud oo dhexmarta Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya.

“Furitaanka xafiiska UNSOM wuxuu kusoo beegmay xilli dalka ay ka jiraan horumarro la taaban karo, waxayna tani na siineysaa kalsooni buuxda oo muujinaysa sida caalamku ugu heellan yahay sidii Soomaaliya ay dib ugu soo kaban lahayd,” ayuu madaxweynuhu hadalkiisa ku daray.

Isagoo sii hadlaya ayuu yiri: “Waxaa jira caqabado fara badan, hase ahaatee waa inaan ka wada gudubnaa oo aan xalkooda u horseednaa. Waxayna tani gacan ka geysanaysaa horumarka uu dalku sameynayo.”

Dhanka kale, dajire Nicholas Kay oo isaguna shirka jaraa’id ka hadlay ayaa yiri: “Waxaan u jeednaa horumar muujinaya dib u soo kabashada Somalia. Shacabka Soomaaliyeed aad bay mustaqbalkooda uga rajo qabaan oo ay naga sugayaan hami aad u sareeya. Waana inaan taas kawada shaqeyno.”

Ugu dambeyn, dajire Key wuxuu sheegay in caalamku ay rajada muuqata la wadaagayaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay inuu ku kalsoon yahay kuna rajo-weyn yahay inuu gacan buuxda ka heli doono xukuumadda iyo shacabka Soomaaliyeed sidii dib loogu soo celin lahaa nabaddii iyo in dalku uu noqdo mid xasilloon.

Ergaygan cusub ee Qaramada Midoobay ay u soo magacowday Soomaaliya ayaa xafiiska la wareegay Isniintii lasoo dhaafay, wuxuuna bedelay ergaygii hore, Dajire Augustine Mahiga oo muddo saddex sano ah ka shaqeynayay Soomaaliya.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya