4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 30, 2013
Madaxweynaha Dowladda Somalia oo ka Qayb-galay Kulankii Xirtaanka Kal-fadhigii labaad ee Golaha Baarlamaanka Somalia

Axad, Juun 30, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qaybgalay xirtaankii kalfadhigii labaad ee golaha baarlamaanka Soomaaaliya oo maanta lasoo xiray, waxaana sidoo kale goob-joog ka ahaa kulankaas guddoomiyeyaasha baarlamaannada Puntland iyo Galmudug.

Kulankan oo uu shir-gudooominayay guddoomiyaha baarlamaanka Somalia ayaa waxaa hadallo ka jeediyay guddoomiyaha baarlamaanka Puntland, C/rashiid Maxamed Xirsi, isgaoo sheegay in dastuurka Soomaaliya isbedel aanay ka warhayn lagu sameeyay.

“Dastuurka federaalka Soomaaliya ee dowladdan ay ku dhisan tahay 24-qodob oo ka mid ah ayaa laga bedelay, innagoo aan war u hayn, taasna waa mid aan ka xunnahay,” ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka Puntland.

 Hadalka gudoomiyaha baarlamaanka Puntland ayaa waxaa ka jawaabay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari isagoo sheegay in dastuurka laga bedelay laba qodob oo keliya, ciddii kuwa kale ka bedeshayna la weydiin doono iyaga.

“Qodobbada dastuurka aan ka bedelnay waxay kala yihiin qodobka sheegaya in madaxweynaha ay dooranayaan laba aqal, waxaana ka dhignay in inta aqal sare la sameynayo uu dooran dooran doono baarlamaanka. Qodobka kalena waa midka ku saabsan caasimadda Soomaaliya inay tahay Muqdisho,” ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka.

Intaas kaddib waxaa hadlay madaxweynaha Soomaaliya oo isaguna isla qodobka ku saabsanaa dastuurka ka hadlay, wuxuuna sheegay in dastuurka ay u yimaadeen, lana ogyahay inuu yahay mid qabyo ah, isagoo xusay inay lagama maarmaan tahay in isbedel lagu sameeyo si uu u noqdo mid dhameystiran.

Wasiirka arrimaha diinta, owqaafta iyo dhaqanka dalka Jabuuti, Aadan Xasan Aadan (Belelo) oo hadal ka kooban ka jeediyay kulanka intii aan la xirin ayaa sheegay in madaxweynaha Jabuuti uu salaam ku aaddan dabaal-dagga 01-da Luuliyo uu soo diray hay’adaha kala duwan ee dowladda, hadalkaas oo ay xildhibaannadu baarlamaanku ay si aad ah ugu sacab-tumeen.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo xiray Kal-fadhigii labaad ee golaha baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo kal-fadhiga saddexaad uu furmi doono billowga bisha September ee sannadkan. Laakiin guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay in labada July uu furmi doono kulan uu codsaday madaxweynaha Soomaaliya oo hal bil socon doona.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya