4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 30, 2013
Afhayeenka Howlgallada Al-shabaab oo sheegay in Saraakiil ka Tirsanaa Al-shabaab lagu dilay Howlgal ka dhacay Baraawe


Axad, Juun 30, 2013 (HOL) — Afhayeenka howgallada Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab ayaa war uu warbaahinta siiyay ku xaqiijiyay in laba ka mid ah saraakiishii sar-sare ee Al-shabaab lagu dilay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, kaddib markii ay diideen inay is-dhiibaan.

Labada ruux ee la dilay ayaa waxay kala ahaayeen Sheekh Ibraahim Xaaji Jaamac Miicaad oo loo yaqaannay Ibraahim Afghan iyo C/xamiid Xaashi Col-haye oo loo yaqaannay Macallin Burhaan oo labadaba ka mid ahaa rag ay xulufo ahaayeen Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali oo toddobaad ka hor kula dagaalamay degmadaas xoogag ka amarqaata hoggaamiyaha Al-shabaab, Axmed Cabdi Godane.

“Mujaahidiintu waxay dileen laba walaalaha ka tirsanaa oo kasoo horjeestay  howlgal la doonayay in lagu soo qabto, waxaana halkaas ka dhacay dagaal ay ku dhinteen, waxaana geeridooda u sheegnay xaasaskoodii iyo caruurtii ay ka dhintee, Allaha u naxariisto ayaana leennahay,” ayuu Abuu-Muscab ku sheegay war uu saxaafadda siiyay.

Ibraahim Afghan ayaa wuxuu ka mid ahaa saraakiil Al-shabaab ka tirsan oo uu Mareykanku madaxooda dhintay malaayiin Doollar, waxaana isaga si gaar ah loogu ballanqaaday ciddii soo sheegta meel uu ku sugan yahay ama disha 5-milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Afhayeenku wuxuu sheegay in raggan iyo kuwo kale oo baxsaday ay wadeen isku dayo ay ku kala qaybinayaan Xarakada Al-shabaab, taasna ay keentay in howgallo lagu soo qabqabanayo la sameeyo, isagoo xusay inay jiraan rag kale oo baxsaday oo qaarkood ay ciidammo ka daba-direen.

Haweeney ay walaalo yihiin Ibraahim Afhan ayaa sheegtay in walaalkeed iyo ninka kale ee lala dilay la qbtay, kaddibna la toogtay, balse waxaa hadalkaas gaashaanka ku dhuftay Al-shabaab oo sheegtay in labadaba ay ku dhinteen iska-horimaad dhexmaray iyaga iyo xoogag Al-shabaab ka tirsan.

“Waxba kama jiraan wararka sheegaya in labadan nin la qabtay kaddibna la toogtay, warkaas waa mid been ah oo la sameeyay, labaduna dagaal ayay ku dhinteen, xilli howlgal uu ka socday degmada Baraawe,” ayuu yiri Abuu-Muscab.

Afhayeenka Al-shabaab wuxuu sheegay in labadan ruux ay ka mid ahaayeen rag diiday amarrada hoggaanka Al-shabaab sidaasna lagu dilay, isagoo intaa ku daray in sidoo kale ay socdaan howlgallo kale oo lagu doonayo in lasoo qabto rag kale oo ay jaal ahaayeen.

Ragga kale ee lagu raad-joogo oo ay isku dhinac kasoo jeedeen labadan ruux ee la dilay ayaa waxay kala yihiin: Sheekh Xasan Daahir Aweys oo xalay soo gaaray Muqdisho iyo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu-Mansuur) oo la sheegay inuu ku sugan yahay deegaanno ka tirsan gobolka Bay.

Howlgalladu way soconayaa inta laga suurogelinayo in kuwa doonaya inay qaybiyaan Al-shabaab laga soo qabanayo, waxaana mid ka mid ah raggii loo diray howlgallada oo Al-shabaab ka tirsanaa lagu dilay deegaanka Raamo-caddeey ayuu Abuu-Muscab hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Waa markii ugu horreysay oo Al-shabaab uu khilaaf noocan oo kale ah soo dhexgalo, waxaana la sheegay in raggan qaarkood la dilay qaarkoodna ay ka baxsadeen Baraawe ay doonayeen inay sameystaan urur ka madaxbannaan Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya