4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 3 , 2013
Maamulka Puntland oo shaqadii ka joojiyay Idaacado oo ka howlgeli Degmada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari

Arbaco, Abriil 03, 2013 (HOL) — Dowladda Puntland ayaa maanta soo saartay amar shaqada looga joojinayo saddex idaacadood oo kamid ah kuwa ugu ballaaran war-baahinta maxalliga ah e ka howlgala gudaha deegaanada Puntland.

Amarka lagu xiray idaacadahan ayaa kasoo baxay xafiiska wasiirka wasaaradda war-faafinta ee Puntland, waxayna Idaacadaha shaqada laga joojiyey kala yihiin Radio Daljir, Radio 1Nation iyo Radio Codka Nabadda.

Wareegtada ayaa lagu xusay in idaacadaha Daljir, 1nation iyo codka nabaddu ay jebiyeen dastuurka Puntland, khatarna ku yihiin amniga iyo kala danbeynta, sidaas darteedna shaqada laga joojiyey.

Qoraalka saddexdan idaacadood lagu xiray oo uu ku saxiixan yahay wasiirka war-faafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa sidoo kale lagu xusay in ay u hoggaansami waayeen amar horay loo siiyey oo ahaa in aysan baahin Karin idaacadaha Bar-kulan, Hirad iyo Ergo.

Faadumo Yuusuf Siciid (Taxadar) oo ah agaasimaha idaacadda 1Nation, isla markaana la hadashay shabakadda HOL ayaa sheegtay in maanta abbaare 12:00 duhurnimo ay u yimaadeen ciidammo booliska oo wata laba warqadood oo ay ku kala saxiixan yihiin wasiirka warfaafinta iyo taliyaha booliiska Puntland.

Faadumo ayaa intaas raacisay in loo sheegay in ay u hogaan samaan amarka shaqada looga joojiyey, idaacaddana ay hawada sida ugu dhaqsaha badan uga saaraan, sidaasna ay shaqada ku joojiyeen.

Waa markii ugu horeysey ee tiro intaas le’eg oo idaacado ah uu maamulka Puntland shaqada ka joojiyo, waxayna arintani kusoo aadeysaa 5 bilood kahor markii sidan oo kale albaabada la isugu dhuftay idaacadda Horseed Media oo kamid ahayd kuwa ugu afka dheer Puntland.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya