4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 3 , 2013
Madaxweynaha Somaliland oo ka Qayb-galay Aas loo Sameeyey Guddoomiye ku xigeenkii Golaha Guurtidda oo xalay Geeriyooday (SAWIRRO)


Arbaco, Abriil 03, 2013 (HOL) —Madaxweynaha Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud Sillaayo, ayaa maanta ka qaybgalay aas qaran oo loo sameeyey gudoomiye ku xigeenkii kowaad ee golaha Guurtidda Sheekh Axmed Sheekh Nuux Fure oo xalay ku  geeriyooday magaaladda Hargeysa.

Xisbiyadda Qaranka, wasiiro, xildhibaano, dadweyne badan  iyo shirgudoonka labadda gole Baarlamaan ayaa maanta ka qaybgallay aaska qaran ee loo sameeyey marxuumkaasi oo muddo dheer ahaa gudoomiye ku xigeenka golaha Guurtidda Somaliland.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu marxuumka u door weyn ka soo qaatay nabadeyntii iyo dhismihii Somaliland,  waxaanu  marxuumka ku sifeeyey masuul qaran oo ummadda miisaan culus ku leh in badana ay xasuusan-doonaan ummaddu doorkii uu ka soo qaatay dhib u dhiskii dalka iyo nabadayntii beelaha wada-dega Somaliland, sidoo kalena waxa uu ku tilmaamay madaxweynuhu kaalintii lama illaawaanka ahayd ee uu ku dhex lahaa bulshada, dalka iyo galaha Guurtidaba.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka illaahay uga baryayaa inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo, sidoo kalena Golaha Guurtida, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ahaan Shacbiga Somaliland-na Samir iyo iimaan uu ka siiyo.

Sidoo kale, gudoomiyaha golaha Guurtiddda Saleebaan Maxamuud Aadan, gudoomiyeyaasha xisbiyada iyo madax dhaqameedkii ka qaybgalay aaskaasi, ayaa halkaasi ka waramay taariikhdiisa iyo kaalintii uu ka soo qaatay nabadeyntii iyo horumarintii Somaliland uu ka soo geystay.

Si kastaba ha ahaatee, alla ha u naxariistee gudoomiye ku xigeenka koowaad Marxuum Sheekh Axmed Sh. Nuux Fure ayaa ka mid ahaa shakhsiyaadka faro ku tiriska ah ee golaha Odayaasha ku jira ee kaalinta libaax ka soo qaatay nabadeynta iyo heshiisiintii beelaha Somaliland, waxaanu xilkaasi hayey muddo ku dhow 24 sannno, waxaanu ka mid ahaa Guurtidda ku soo dhisan tahay wakhtigii dagaaladda ay ka socdeen Somaliland ee 1988 –kii, haseyeeshee intooddii badnayd ay geeriyoodeen.



Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland