4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 12, 2012
Kooxo hubeysan oo Suuqa Bakaaraha ku dilay laba qof oo midkood uu ahaa Askari ka tirsan ciidamada DKMG ah
Axad, Ogoosto 12, 2012 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa maanta ku dilay gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha laba qof oo midkood uu askari ahaa, iyadoo la sheegay inaysan labadan qofba ka qaateen lacag iyo hub.

Goobjoogayaal ku sugan suuqa Bakaaraha ayaa u sheegay HOL in dilalkan ay ka dhaceen goobo aad u buuq badan oo ay ku sugnaayeen dadweyne fara badan, iyagoo sheegay in kooxaha dilka geystay ay u suurogashay inay baxsadaan.

"Askariga waxaa lagu dilay sarif-yaraha sarifka lacagaha ee Bakaaraha, waxaana laga qaatay bastoolad. Sidoo kale waxaa la dilay madaxii ammaanka shirkadda Hourmuud oo lagu magacaabi jiray Maxamed Raage, waxaana laga qaatay lacag dhan 40,000 oo dlollar oo uu sitay," ayay yiraahdeen goobjoogayaasha.

Inkastoo dowladda KMG ah aysan ka hadlin dilalkan ka dhacay gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa haddana waxay imaanayaa xilli ay DKMG ah waddo qorshe ay ku adkeynayso ammaanka magaalada Muqdisho oo maalmo kaddib ay ka dhici doonaan doorashooyin lagu soo xulanayo madaxda dowladda Soomaaliya.

Dhacdadan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo suuqa Bakaaraha ay ku sugan yihiin dad aad u fara badan oo caruurtooda u iibsanaya dharka ciidda, waxaana tani walaac weyn ay gelisay dadkii suuqaas ka adeeganayay.

Ma jirto cid sheegatay inay mas'uul ka tahay weerarka lagu dilay askariga iyo ruuxa ganacsadaha ah, iyadoo tan iyo markii Al-shabaab ay ka baxday suuqa Bakaaraha muddo hadda laga joojo hal sano lagu dilay suuqa bakaaraha dhowr qof oo isugu jiray askar iyo shacab.

Dhanka kale, kooxo hubeysan ayaa saakay ku dilay degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir mas'uul ka tirsan wasaaradda warfaafinat DKMG ah, iyadoo lagu eedeeyay dilkaas Xarakada Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya