Axad, Ogoosto 12, 2012 (HOL) — Guddiga xulista xildhibaannada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa sheegay maanta oo Axad ah in beelaha Soomaaliyeed ee 4.5-ka ay soo dhameystireen xulidda xidhibaannada baarlamaanka cusub, iyagoo sheegay in baaritaanno kaddib ay dib u celiyeen kontomeeyo xildhibaan.
Xidlhibaannada dib loo celiyay ayay guddigu sheegeen in qaarkood lagu tuhusan yahay dambiyo, halka kuwo kalena ay tacliintooda hoosayso iyadoo ay jiraan kuwo kale oo loo celiyay iyadoo beelahooda ay soo gudbin waayeen xubnihii dumarka ahaa ee laga doonayay.
Sidoo kale, guddigu waxay sheegeen in xidhibaannada ay beeluhu ku muransan yihiin ay gacanta ku hayaan guddiga xallinta khilaafaadka, iyadoo guddiga xallinta ay dhankooda sheegeen inay gacanta ku hayaan 16 dacwadood oo ay beelo kala duwan soo gudbiyaan.
"Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in lasoo dhameystiro xulida xildhibaanada," ayay yiraahdeen gudiga oo sheegay in markaas kadib loo sameyn doono warqadaha aqoonsiga ayna dooran doonaan afhayeenka baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.
Xarunta gudiga ayaa waxaa ka jira buuq aad u badan, iyadoo ay halkaas ku sugan yihiin xubno xildhibaanimo doonaya iyo kuwo doonaya in odayaashu ay gudbiyaan magacyada xubnaha ay doonayaan beel ahaan inay uga mid noqdaan baarlamaanka cusub.
Dhanka kale, waxaa beelo Soomaaliyeed sheegay in cidna aysan ugu jirin xubnaha cusub ee baarlamaanka soo socda, iyagoo sheegay in la gacan bidxeeyay, waxaana ka mid ah beelahaas Beesha Karinle iyo Beelaha Reer Shabeelle oo labaduba daga dalka Itoobiya iyo qaybo ka mid ah Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Guddiga Xulista Baarlamaanka oo sheegay in Beelaha Soomaaliyeed ay soo gudbiyeen Xildhibaannadii laga doonayay
More News
- Xubno ka tirsan madaxdii xisbiga UDUB oo sheegay inay usoo digo rogteen xisbiga kulmiye
- Maalinta Dhalinyarada Adduunka oo Muqdisho laga xusay
- Kooxo hubeysan oo Suuqa Bakaaraha ku dilay laba qof oo midkood uu ahaa Askari ka tirsan ciidamada DKMG ah
- Danyarta ku nool Degmada Baladweyne oo codsanaya kaalmo si ay uga qeyb-qaataan Farxada Maalinta Ciidda
- Dabley hubeysan oo Waqooyiga Magaalada Gaalkacayo ee Gobolka Mudug ku diley hal nin mid kalena ku dhaawacay
- Faahfaahin Dheeraad ah oo kasoo baxeyso duqeymihii xalay ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose
- Guusha uu gaaray Ciyaaryahanka Soomaaliyeed ee Mo Farah oo laga soo dhaweeyay guud ahaan Soomaaliya
- Danjire Augustine Mahiga oo Madaxda DKMG iyo Murashaxiinta kale ku eedeeyay inay Musuqayaan Xulista Baarlamaanka
- Ciyaaryahanada Somalia uga qaybgalay Ciyaaraha Olombikada London oo sheegay inay ku laabanayaan Soomaaliya
- Iskahorimaad muddo socoday oo Soomaali iyo Itoobiyaan ku dhexmaray Magaalada Johannesburg ee Koonfur Afrika
- Madaxweynaha Puntland oo Xilka ka Qaaday Taliyihii hore ee Nabad-sugidda Puntland mid kalena u Magacaabay
- Dabley Magaalada Muqdisho ku dishay sarkaal u shaqeynayay DKMG Soomaaliya kana mid ahaa Bahda Saxaafadda Soomaalida
- Dhaqaaqa Ganacsiga Suuqa Degmada Boosaaso oo kor u kacay iyo Ciidda oo si weyn loogu diyaar garoobayo