Axad, Ogoosto 12, 2012 (HOL) — Faahfaahin dheeri ah ayaa kasoo baxeyso duqeymo xooggan oo ay xalay Maraakiib dagaal salaaddii maqrib kadib ka geeystay magaalada Kismaayo, iyadoona duqeyntaasi ay sababtay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Maraakiibtan dagaal oo la aaminsanyahay in ay leedahay dowladda Kenya ayaa xalay gantaallo dhowr ah ku tuuray magaalada Kismaayo, kadib markii dagaalyahanno katirsan Al-shabaab ay hubka lidka diyaaradaha ku rideen xilli ay maraakiibtu kusugnaayeen meel udhow marsada caalamiga ah ee magaalada Kismaayo.
Wararkii ugu danbeeyay ee aynu ka heleyno duqeyntii xalay ayaa sheegaya in ay sababtay dhimashada sedex qof iyo dhaawaca Afar kale, kuwaasoo ahaa dad rayid ah oo ay duqeyntu ku haleeshay xilli ay ku sugnaayeen guryahooda.
Sedexda qof ee ku dhimatay duqeynta ayaa la sheegay in ay ahaayeen hal qoys oo daganaa xaafadda V-Afmadow ee magaalada Kismaayo, waxaana qoyskaasi uu madfac ku haleelay gurigooda.
Duqeymaha oo ahaa kuwo xooggan ayaa xaafadaha ugu badan ee ay gaarayeen waxa kamid ahaa xaafadda Isku-filan, V-Afmadow iyo weliba Calanleey, waxaana xilligii ay Maraakiibtu duqeynayeen magaalada la maqlayay guuxa diyaarad jawi sare ku socota oo ku dul wareegeysa magaalada Kismaayo.
Masuuliyiin katirsan maamulka Al-shabaab ee magaalada Kismaayo oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in duqeymahaasi ay geysanayeen Marakiib ay leedahay dowladda Kenya, waxayna sheegeen in ay ku guuldareesteen hadafkii ay ka lahaayeen duqeynta.
Xaaladda magaalada Kismaayo ayaa saaka ah mid dagan, walow dadku ay hadal hayaan duqeymihii xooganaa ee xalay kusoo dhacayay xaafado katirsan magaalada Kismaayo.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya
Faahfaahin Dheeraad ah oo kasoo baxeyso duqeymihii xalay ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose
More News
- Xubno ka tirsan madaxdii xisbiga UDUB oo sheegay inay usoo digo rogteen xisbiga kulmiye
- Maalinta Dhalinyarada Adduunka oo Muqdisho laga xusay
- Guddiga Xulista Baarlamaanka oo sheegay in Beelaha Soomaaliyeed ay soo gudbiyeen Xildhibaannadii laga doonayay
- Kooxo hubeysan oo Suuqa Bakaaraha ku dilay laba qof oo midkood uu ahaa Askari ka tirsan ciidamada DKMG ah
- Danyarta ku nool Degmada Baladweyne oo codsanaya kaalmo si ay uga qeyb-qaataan Farxada Maalinta Ciidda
- Dabley hubeysan oo Waqooyiga Magaalada Gaalkacayo ee Gobolka Mudug ku diley hal nin mid kalena ku dhaawacay
- Guusha uu gaaray Ciyaaryahanka Soomaaliyeed ee Mo Farah oo laga soo dhaweeyay guud ahaan Soomaaliya
- Danjire Augustine Mahiga oo Madaxda DKMG iyo Murashaxiinta kale ku eedeeyay inay Musuqayaan Xulista Baarlamaanka
- Ciyaaryahanada Somalia uga qaybgalay Ciyaaraha Olombikada London oo sheegay inay ku laabanayaan Soomaaliya
- Iskahorimaad muddo socoday oo Soomaali iyo Itoobiyaan ku dhexmaray Magaalada Johannesburg ee Koonfur Afrika
- Madaxweynaha Puntland oo Xilka ka Qaaday Taliyihii hore ee Nabad-sugidda Puntland mid kalena u Magacaabay
- Dabley Magaalada Muqdisho ku dishay sarkaal u shaqeynayay DKMG Soomaaliya kana mid ahaa Bahda Saxaafadda Soomaalida
- Dhaqaaqa Ganacsiga Suuqa Degmada Boosaaso oo kor u kacay iyo Ciidda oo si weyn loogu diyaar garoobayo