Axad, Ogoosto 12, 2012 (HOL) — Iyadoo ay maalmo koobani inaga xigaan wakhtigii Ciidul-fidriga, ayaa waxaa dhaq dhaqaaq ganacsi oo aad u xoogan laga dareemayaa suuqa magaalada Boosoosaaso, oo isagu ah kan ugu weyn guud ahaan deegaanada Puntland.
Kumanaan qof oo isugu jira dhalinyaro iyo dad waaweyn, qaarkoodna ay ka yimaadeen gobolada fog fog, ayaa suuqa si aad ah usoo buux dhaafiyey. Waxaana adag in suuqa si fudud loogu dhex lugeeyo, ciriirka jira aawadiis.
Qaybaha suuqa ee mashquulka badani uu ka jiro, dadkuna ay sida aadka ah wax uga iibsanayaan waxaa ka mid ah: qaybaha Dharka, Kabaha, Udugga iyo carwooyinka lagu gado qalabka ay ciyaalku ku ciyaaraan.
Waxyaabaha ay indhahaagu qabanayaan marka koowaad ee aad suuqa tagtana waxaa kamid ah: Aabeyaal iyo hooyooyin wata ubadkooda yar yar, islamarkaana u iibinaya lebiska iyo agabyada kale ee ay doortaan, si ay farxad ugu damaashaadaan maalinta Ciidda.
Qaar kamid ah ganacsata oo HOL la hadlay ayaa ka warbixiyey dareenkooda ku aadan soo dhowaanshaha Ciidda iyo sida uu xiligan iibku yahay, waxaana kamid ahaa Maxamed Xasan Xabashi (Xamari),mar ay dad badani meheradiisa hor dhoobnayeen wuxuu yiri:
"Sanad walba waxan helnaa fursado dhowr ah, xiliyada Ciidaha ayaana kamid ah. Inkasta oo wakhti adag lagu jiro marka la eego dhinaca dhaqaalaha,hadana iibku ma xuma"
Safiyo Maxamed Faarax oo iyaduna ka tirsan ganacsatada yar yar ee dharka ciyaalka gada, ayaa tilmaantay in si fiican wax looga iibsadey, haseyeeshee ay ku rajo weyn tahay in si wanaagsan wax looga gato marka uu wakhtiga Ciidu soo dhowaado, gaar ahaan ayaamaha ugu danbeeya bisha barakaysan ee Ramadaan.
Inkasta oo ay dadka intooda badani Ciidayaan, waxaa hadana jira qoysas badan oo aan awoodin in ay farxadaas muslimiinta dunida la wadaagaan. arimaha ugu waaweyn ee taas loo aanayn karana waxaa kamid ah: hoos u dhaca ku yimid qiimaha Dollarka, arintaas oo inta badan si weyn u saameysa dadka danyarta ah.
Suuqa Boosaaso oo dabayaaqada sanadkii hore ee 2011 uu dab xoogani qabsaday, hanti malaayiin Dollar lagu qiyaaseyna ay ku bas beeshay, wuxuu u muuqdaa mid si aad ah uga soo kabtay dhibkii gaarey, iyadoo xiligan uu suuqu yeeshay waddooyin badan, dhismayaashii gubteyna si weyn dib loogu dayac tiray.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya
Dhaqaaqa Ganacsiga Suuqa Degmada Boosaaso oo kor u kacay iyo Ciidda oo si weyn loogu diyaar garoobayo
More News
- Xubno ka tirsan madaxdii xisbiga UDUB oo sheegay inay usoo digo rogteen xisbiga kulmiye
- Maalinta Dhalinyarada Adduunka oo Muqdisho laga xusay
- Guddiga Xulista Baarlamaanka oo sheegay in Beelaha Soomaaliyeed ay soo gudbiyeen Xildhibaannadii laga doonayay
- Kooxo hubeysan oo Suuqa Bakaaraha ku dilay laba qof oo midkood uu ahaa Askari ka tirsan ciidamada DKMG ah
- Danyarta ku nool Degmada Baladweyne oo codsanaya kaalmo si ay uga qeyb-qaataan Farxada Maalinta Ciidda
- Dabley hubeysan oo Waqooyiga Magaalada Gaalkacayo ee Gobolka Mudug ku diley hal nin mid kalena ku dhaawacay
- Faahfaahin Dheeraad ah oo kasoo baxeyso duqeymihii xalay ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose
- Guusha uu gaaray Ciyaaryahanka Soomaaliyeed ee Mo Farah oo laga soo dhaweeyay guud ahaan Soomaaliya
- Danjire Augustine Mahiga oo Madaxda DKMG iyo Murashaxiinta kale ku eedeeyay inay Musuqayaan Xulista Baarlamaanka
- Ciyaaryahanada Somalia uga qaybgalay Ciyaaraha Olombikada London oo sheegay inay ku laabanayaan Soomaaliya
- Iskahorimaad muddo socoday oo Soomaali iyo Itoobiyaan ku dhexmaray Magaalada Johannesburg ee Koonfur Afrika
- Madaxweynaha Puntland oo Xilka ka Qaaday Taliyihii hore ee Nabad-sugidda Puntland mid kalena u Magacaabay
- Dabley Magaalada Muqdisho ku dishay sarkaal u shaqeynayay DKMG Soomaaliya kana mid ahaa Bahda Saxaafadda Soomaalida