Munaasabad lagu xusayey weyneynta bisha Mowliid ee dhalashadi Nabiga NNKH oo si weyn Nairobi looga oogay .


Isniin, February 06, 2012(HOL): Munaasabadan oo aheyd midi ugu weyneyd ee nuuceeda ah ee lagu qabto dalkan Kenya caasimadiisa Nairobi gaar ahaan xaafada Islii ee ay Soomaalidu ku badantahay waxaa ka soo qeybgalay culumaa’udiin , ganacsato , dhalinyaro , siyaasiyiin , haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada .

Munaasabada oo dhinaca maalgalinta ay laheyd ururka  arimaha dhalinyarada iyo bulshada ka shaqeysa ee SYAO ayaa dhinanaca abaabulkana waxaa si weyn u lahaa  dhalinyarada Sufi Muslim .

Dadweynha xaflada ka qeybgalayey ayaa kor u dhaafayey 10,000 qof oo dhamaan ka kala yimid deeganada kala duwan ee Nairobi haba ugu badnaato xaafada Islii , waxaana dadka ay socod ku mareen dhamaan wadooyinka xaafada Islii iyagoo wata fardooyin , geelal iyo gawaarida waaweyn ee ee Road-Show-ga iyagoo iyagoo ugu dambeyna isugu yimid iskuulka New Primary Islii School.

Amaanka ayaa aad loo adkeeyey iyadoo ciidamo badan oo Poilce ah ay sugayeen amaanka dadweynaha lugeynayey wadooyinka iyago wata gawaarida .

Shariif C/laahi Shariif Xasan oo ah imaamka Masaajidka 12-street ayaa sheegay in sanad walbaa ay xaflada nuucaan ah abaabulaan si dadka loo dareensiiyo maxbada iyo kalgacalka Nabiga NNKH , waxanaa uu u mahad celiyey dhalinyaradi suuragalisay xaflada qabsoomideeda .


Shiikh Max’ud Shiikh Max’ed Yare oo ah caalim ka mid ah caalimiinta waaweyn ee dalkan ayaa dhinaciisa ku dheeraad kheyrka ku jira xuska nabiga , isagoo dadkana ku booriyey midnimo iyo iney gacnamada is wada qabsadaan oo ay alle tuugaan.

Culumaa’udiinka sidoo kale munaasabada ka qeygalay waxaa ka mid ahaa caalimka weyn Shiikh Cismaan xidig , Shiikh Abagado , Shiikh Daa;ud Celi.

Shiikh Mursal C/raxmaan oo ah xoghayaha arimaha dibada ee Ahlusunah munaasabadan daraadeedna uga yimid G/Dhexe ee Soomaaliya ayaa siyaasada Ahlusunah mar uu sharxay waxa ka hadlay dagaalka ay ku jiraan  oo uu ku sifeeyey mideey kula dagaalayaan baadilka iyo bidcada oo uu ula jeeday kooxda Al-Shabab .

Shiikh mursal waxuu sheegay in Ahlusunah hubka qaadatay markii Culumadii ajilada aheyd xabaalahooda la faagay oo dadki Soomaaliyeed lawada rideeyey , waxaana uu sheegay in nasriga dagalkooda uu dhawyahay sidaa uu yiri.


Max’ed Xusen Owliyo afhayeenka Ahlusunah ee Yurub oo isna hadlay ayaa marka hore u mahad celiyey SYAO waxaana sidoo kale sheegay in waqtiga lagu jiraa ay tahay xiligii umada u midoobi laheyd la dagaalanka Shabaab oo uu sheegay iney marayaan daqiiqadahoodi u dambeeyey.

“Dagaalka ma aha inaan xabad kaliya ka dhignaa sidoo kale waa inaan fikrika la soo minguuriyey aan la dagaalnaa oo aan dhisnaa wacyiga dhalinyarada nalaga marin habaabiyey kaalintaasna SYAO ayaan rajeynaa iney ciyaari doonto”Ayu yiri Owliyo.

Sidoo kale xaflada waxaa aad uga dhex muuqday gudiga islaamka Kenya oo uu horkacayey Pro Kilwa iyo culumo kale oo Kenyaan ah .







Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya