Madaxweynaha Somaliland oo safar shaqo ku tagay Magaaladda Addis Ababa ee Xarunta dalka Itoobiya

Isniin, Feberaayo 06, 2012 (HOL) − Madaxwaynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillanyo) ayaa maanta safar ugu anbabaxay Dalka Itoobiya, waxaanu sheegay inay madaxda dalkaasi la kulmi doono, isla markaana ka wada hadli doonaan sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labadda dal.

Madaxweynaha ayaa waxa Madaarka Egel International Airport ee magaaladda Hargeysa waxa u sii raacay Madaxeyne ku xigeenka Somaliland Md: Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiiro, Xildhibaanadda Baarlamaanka iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha waxa safarkiisa ku wehelinaya Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland Dr: Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Arimaha Guddaha Dr Maxamed Nuur Caraalle Duur, Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan Iyo Marwadda Kowaad Ee Madaxweynaha Marwo Aamina Sh. Maxamuuud Jirde (Aamino Waris).

Madaxweyne Siillaanyo oo ka hadlaya ujeedada safarkiisa waxa uu yidhi " waxaan u socdaa dalka Itoobiya, waxaana halkaas kula soo kulmi doonaa Ra’isal wasaaraha Itoobiya, waxaanu ugu soconaa sida caadiga ah Itoobiya waa dal aanu saaxiibnahay, jaaar nahay wax badani naga dhexeeyaan, waxaana ka wadlaynaa arrimaha mandaqada ka jira oo iska waraysano, oo arrimaha labdda dal khuseeya ka wada hadalno" ayuu yidhi madaxweynuhu

"Waxaanu ka wada hadli doonaa danta labada dal, waana wax iska caadiya in aanu kolba is waraysano oo aanu xidhiidh joogta ah wada yeelano" ayuu yidhi madaxweyne Siillaanyo.

"Xidhiidhka labadda waa mid adag oo aanu mar walba is aragno, arrimaha Cali Khaliif Galaydh ha ahaato ama arrimo kale ha haatee waanu ka wada hadli doonaa arimo badan " ayuu yidhi madaxweynaha oo wax laga waydiiyey inuu kulankooddu ku qotomo inay ka wada hadli doonaan Siyaasiga Cali Khaliif Galaydh oo ku sugan dalka Itoobiya.

Waxa uu intaas ku daray "Somalilnad iyo dawladeedii waxay diyaar u yihiin gogoshii aanu hore u fidinay ee walaalahayga bariga u fidinaynay, oo is afgarad iyo wanaag ku dhamaysano arrimaha yimaadda nooc kasta ha ahaatee, laakiin maanta waxaanu u soconaa wada tashigaasi anaga iyo Itoobiya naga dhexeeya"ayuu yidhi Madaxweyne Siillaanyo.

Si kastaba ha ahaatee, safarkan ayaa u muuqday mid degdeg ahj, isla markaana aan hore loo sii ogayn safarkaasi, waxaanu sheegay inuu hal maalin qaadan doono Socdaalkaasi, sidoo kale waxa iyaguna dhowaan safar shaqo u tagay Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Arrimaha gudda Somaliland, kuwaas oo masuuliyiin ka tirsan dawladda Itoobiya la soo kulmay.

Waxa isaguna Itoobiya ku sugan Siyaasiga Dr: Cali Khaliif Galaydh oo aasaasay maamulka Khaatumo State oo dhowaan lagaga dhawaaqay Magaaladda Taleex, haseyeeshee, ilaa hadda lama sheegin inay Itoobiya ku kulmi doonaan madaxweynaha iyo Cali Khaliif.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland