Dood-cilmiyeed ku saabsan Horumarinta Nabadda oo Muqdisho loogu qabtay in ka badan 150-dhalinyaro Soomaliyeed ah


Isniin, Feberaayo 06, 2012 (HOL) − Wajiga labaad dood-cilmiyeed ay soo qaban-qaabisay hay'adda CCD ayaa maanta lagu qabtay hoteelka Saxafi ee Muqdisho in ka badan 150-dhalinyaro ah, iyadoo ay ka qayb-galeen xildhibaanno iyo odayaasha dhaqanka iyo ugaasyo.

Dood-cilmiyeedkan ayaa waxaa furay Islow Maxamed Yuusuf Cali ayaa sheegay in dhalinyarada ay yihiin mustaqbalka dalka, isagoo ugu baaqay inay ka shaqeeyaan wadajirka dalka, nabadana inay hormuud ka noqdaan.

"Marka ugu horreysay waxaan taageereynaa howl-gallada dalka ka socda oo hadda meel fiican maraya, waxaa la gudboon dhallinyarada inay wadajirka iyo nabada ay hormuud ka noqdaan," ayuu yiri Islow Maxamed Yuusuf.

Xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo ka hadlay qodob ka mid ah dood-cilmiyeedka ayaa sheegay in muhiim tahay in wax laga iftiimiyo in dhallinyarada ay ka feejignaadaan in la marin habaabiyo, isagoo xusay in dalka uu leeyahay cadaw, isla markaana aan la qarsan.

"Haddaad cadawga qarsato, adiguu ku dilaa, marka in nabadgalyo xumada lasoo af-jaro guul ayay noo tahay. Al-shabaab annaga ayaa iska dhicin karnee ajaanibta ka barbar dagaalamaysa caalamku gacan ha nagu siiyo inaan iska dhicinno, " ayuu yiri Xidhibaan Jeelle.

Sheekh Axmed Abuukar Gaabow oo isaguna ka mid ahaa xubnihii doodda ka hadlay ayaa ugu baaqay dhallinyarada inay buuxiyaan kaalintooda ku aaddan sidii nabad iyo xasillooni dalka loogu soo dabaali lahaa, isagoo dhallinyarada ugu baaqay inay midoobaan.

Mid ka mid ah ka qeyb galayaasha doodda oo lagu magacaabo Anwar Muxiyadiin Xasan ayaa soo jeediyay talooyin wax ku ool ahaa oo ku aaddanaa in culummadu ay kordhiyaan wacyi-gelinta islama markaana shaqooyin loo abuuro.

Sidoo kale, Mahad oo ka mid ah saraakiisha hay'adda CCD ayaa xusay in dhibaatada heysata dhallinyarada uu tahriibku qayb ka yahay, isagoo xusay in tiro dhallinyaro ah ay ku dhammaadeen badda iyagoo doonayay inay dalal kale u gudbaan.

Afhayeenka qowmiyadda banaadiriga, C/llaahi Sayid Xaaji iyo nabaddoon, Khaalid Cabdi Jimcaale ayaa labadaba sheegay in loo baahan yahay in odayaasha dhaqanka isku-taagaan, sidii dhallinyarada haraadiga ku ah Al-shabaab looga soo bixin lahaa.

Sheekh Maxaadeey Maxamuud Jilicow oo isna ka jeediyay dood-cilmiyeedka hadal ayaa kula dar-daarmay dhallinyarada inay Alle ka cabsiga badiyaan, isla markaana Towbad keenaan, wuxuuna ka dhawaajiyay in dhallinyarada isku xirnaadaan mar walba.

Ugu dambeyn, dood-cilmiyeedkan ayaa ka qayb ka ahaa doodo ay CCD horay ugu qabatay dhallinyaro si dhallinyarada ay u yeeshaan door hogaaminta dalka isla markaana ay ka samata-bixiyaan dhibaatada dalka.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya