Isniin, Feberaayo 06, 2012 (HOL) − Inta la ogyahay shan ruux ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaallo culus oo xalay degmooyinka Kaaraan iyo Shibbis ku dhexmaray ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo Xarakada Al-shabaab.
Dagaaladan oo ahaa kuwo saf-ballaaran ah ayaa waxay qarxeen markii xoogagga Al-shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ciidamada DKMG ah iyo kuwa Midowga Afrika ku lahaayeen degmooyinkaas.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in hubka culus iyo midka fudud ay labada dhinac isku adeegsanayeen, kuwaasoo qaarkood ku dhacay goobo ay daggan yihiin shacab, balse lama oga khasaaraha soo gaaray.
Shanta qof ee dhintay iyo dadka kale ee ku dhaawacmay oo aan tiradooda lahayn ayaa waxay dhammaantood ahaayeen dhinacyadii uu dagaalku u dhexeeyay, mana jirto cid ka hadashay labada dhinac dagaalkii xalay dhacay.
"Hubka culus iyo mid fudud ayaan kusoo toosnay xalay saqdii dhexe, markaas oo aan ogaannay inay dagaallo ka qarxeen degmooyinka Huriwaa iyo Kaaraan," ayuu yiri Cali Axmed oo daggan xaafadda Juungal ee degmada Yaaqshiid.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in xalay cabsi weyn ay dareemeen, dagaaladuna ay ahaayeen kuwo culus oo aan todobaadyadan ka dhicin Muqdisho, mana sheegin wax khasaare ah oo uu arkay.
Kaaraan iyo Yaaqshiid ayaa waxay ka mid yihiin degmooyinkii ay ka talinaysay Al-shabaab labadii sano ee lasoo dhaafay, inkastoo qaybo ka mid ah looga saaray dagaal dhexmaray iyaga iyo ciidamada DKMG ah oo garabsanaya kuwa AMISOM.
Dhanka kale, Col. Cabdullaahi Cali Caanood oo ka mid ah saraakiisha hoggaanka u haya dagaalka ay dowladda KMG ah kula jirto xoogagga Al-shabaab ayaa sheegay in qorshahoodu yahay inay ka saaraan Al-shabaab goobaha yar ee ay Muqdisho kaga sugan tahay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya