Xidhibaanno ku shiray Muqdisho oo isku raacay in bisha Ogoosto laga soo hormariyo doorashada Madaxweynaha Somalia

Khamiis, Feberaayo 23, 2012 (HOL) — Xildhibaannada kasoo horjeeda Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka ee Muqdisho ayaa ka dooday xilliga ay dhacayso doorashada madaxweynaha Soomaaliya, iyagoo isku raacay in la qabto bisha Abriil ee sannadkan.

Kulankan ayaa waxaa shir guddoominayay, xidhibaan Madoobe Nuunow Maxamed oo ay xubnahan u doorteen guddoomiye baarlaam bishii Jannaayo ee sannadkan, kaddib markii ay sheegeen inay xilkii ka qaadeen afhayeenka baarlamaanka, Shariif Xasan Sheekh Aadan.

"Dooddan waxaa codsaday 30-mudane waxayna socotay maamihii lasoo dhaafay," ayaa laga sheegay xarunta golaha shacabk, markii la codeeyay kaddib, waxaana intaas kaddib la sheegay in xildhibaannadii kulanka ku sugnaa ay intooda badan isku raaceen in doorashada madaxweynaha la qabto 30-ka bisha Abriil ee sannadkan.

Intii ay dooddu socotay waxaa ka hadlay kulanka 31-xubnood marka laga reebo laba mudane waxay inta kale in lasoo horumariyo doorashada madaxweynaha lagana dhigo inta aysan dowladdu dhicin bisha Ogoosto.

"Kulanka waxaa soo xaadiray 278-xildhibaan, waxaana codkii la qaaday 269 mudane ay ku ogolaadeen in doorashada madaxweynaha lasoo hormariyo ayna dhacdo 30-ka Abriil 2012, waxaan diiday lix xildhibaan, waxaana ka aamusay saddex mudane," ayuu yiri xildhibaan Madoobe Nuunow Maxamed oo saxaafadda u sharraxayay sida ay u dhacday codeynta.

Xildhibaanadan ayaa waxay dhawaanahan ku hanjabayeen inay xilka ka qaadi doonaan madaxweynaha haddii uu dhexdhexaad ka noqon waayo khilaafka u dhexeeya baarlamaanka Soomaaliya, iyagoo ku eedeeyay inuu la safan yahay dhinac ka mid ah labada dhinac.

Inkastoo madaxweynuhu uusan ka hadlin eedeyntaas, haddana waxaan la ogeyn sida uu ku ogolaan doono go'aanka ay xildhibaannadan gaareen, iyadoo dhowr jeer uu ururka Midowga Afrika iyo dalalka taageera Soomaaliya ay ku hanjabeen inay ka qaadan doonaan tallaabo xubnaha carqaladda ku haya heshiiskii ay madaxda DKMG ah kusoo gaareen magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya