Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi oo Shirka London kusoo qaaday Ciidamada Itoobiya ee qabsaday Baydhabo


Khamiis, Feberaayo 23, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi oo ka mid ah madaxdii ka hadlay shirka Soomaalida loogu qabtay London ayaa soo hadal-qaaday qabsashadii ciidamada Itoobiya ee Baydhabo.

Zenawi wuxuu sheegay in shirka London uu yahay midkii ugu horreeyay ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo uu ka qaybgalo, wuxuuna xusay inay ula muuqato inuu yahay mid guuleysanaya.

"Sababta aan u leeyahay shirka London wuu guuleysanayaa waa iyadoo ay hortiis dhaceen saddex arrimood oo waaweyn, kuwaasoo kala ahaa: shirkii Garoowe II oo kusoo dhammaaday guul, ciidamada Itoobiya iyo kuwa DKMG oo ka guuleysatay Al-shabaab iyo shacabka Soomaaliyeed oo iska dhego-tiray hanjabaadaha Al-shabaab ciidamadeenana tusaya goobaha ay Al-shabaab miinooyinka ku qiryaan," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha Itoobiya.

Ra'iisul wasaaraha Itoobiya wuxuu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in shir noocan oo kale ah loo qabto Soomaaliya, isagoo caalamka ka dalbaday inay xoogga saaraan sidii lagu xasilin lahaa Soomaaliya oo ay dagaallo daashadeen.

"Ciidamadeennu waxay Al-shabaab ka saareen gobollada Bay iyo Bakool, waxayna si toos ah u qabsadeen Baydhabo, waana guul la taaban karo," ayuu ra'iisul wasaaraha Itoobiya ka sheegay shirka London.

Ugu dambeyn, Zenawi wuxuu sheegay in dowladdiisu ay gacan ka geysanayso sidii lagu soo celin lahaa ammaanka Soomaaliya, dunida ay kala shaqeynayso si kasta oo nabad loogu heli karo Soomaaliya.

Dhanka kale, shirka waxaa ka hadlay wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga, Axmed Davutoğlu oo xusay in shirkan oo kale ay ahayd in lagu qabto Soomalaiya, wuxuuna sidoo kale sheegay in dunida looga baahan yahay inay dhexda u xirato nabadeynta iyo dib u dhiska guud ee Soomaaliya.

Mr Davutoğlu wuxuu sheegay inay dhismo kuwadaan garoonka diyaaradaha Somalia iyo goobo kale, ayna bisha soo socota billaabayso diyaaradda Turkish Airlines inay duulimaadyo caalami ah ku tagto Muqdisho, taasoo uu ku sheegay tallaabo muhiim ah oo ay u qaadeen dhinaca Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya