Shirka London oo goordhow furmay iyo madaxda oo khudbadahooda bilaabay

Khamiis, February 23, 2012(HOL) Nairobi , Kenya - Shirka looga arrinsanayo mustaqbalka dalka Soomaaliya ee noqonaya kii ugu ballaarnaa ee Soomaalida loogu qabto dalka Britain ayaa goordhawayd halkaasi ka furmay.

Ra'iisulwasaaraha Britain David Cameroon oo shirka furay ayaa ka codsaday caalamka in la taageero dawlada Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxaa Soomaalida u matalaya DKMG ah,Somaliland,Puntland,Galmudug,Ahlu Sunna iyo qaar kamid ah ururada bulshada rayidka.

Waxaana shirkan ka qaybgalaya wufuud ka socota in ka badan 60 wadan oo ay ku jiraan hogaamiyayaasha gobolka sida: madaxweynaha Kenya,madaxweynaha Uganda,ra'iisul wasaaraha Itoobiya iyo madax kale oo ka kala socota caalamka oo ay kamid yihiin xoghaya arrimaha dibada ee Maraykanka Hillary Clinton iyo wasiirka arrimaha dibada ee Turkiga Axmed Daa'uud Oogloo.

Inkastoo ay dad badani ka walaacsanyihiin ujeedooyinka shirkan ayaa Soomaalida inteeda badan ay rajo wanaagsan ka muujinayaan ,maadaama caalamku uu u soo jeestay Soomaaliya

Axmed Cabdisamad,Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi ,Kenya